Muqdisho(SONNA):-Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Xuseen Macalin oo xalay marti ย ku ahaa Barnaamijka dood qaran ee ka baxa warbaahinta Qarank ayaa ka waramay waxyaabaha u qabsoomay mudadii sannadka ahayd ee xilka hayeen.
Lataliyaha ayaa sheegay in horumar balaarran laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta,iyadoo la dhamaystiray xeerarka la dagaalanka kooxaha argagixisadda ah,sidoo kale la taliyaha ayaa xusay in badi qoddobadii cuno qabataynta hubka ee saarneed soomaliya la dhamaystirayo bisha November sanadkaanย loona gudbin doono Golaha Ammaanka si dowladda Soomaliya hub ku filan u soo iibsato.
Dhinaca kale la taliyaha Madaxweynaha ayaa sheegay in markii ugu horaysay Dowladda ku guulaysatay in ay diyaariso ciidan qalabaysan oo tiradooda gaareyso 10,000 oo Askari.