Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Dowladdu gacan Shabaab ayay kula dagaalamee tan kalena Deyn cafin ayay ku wadaa (WARBIXIN)  
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladdu gacan Shabaab ayay kula dagaalamee tan kalena Deyn cafin ayay ku wadaa (WARBIXIN)  
GudahaMaqaallada

Dowladdu gacan Shabaab ayay kula dagaalamee tan kalena Deyn cafin ayay ku wadaa (WARBIXIN)  

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 2, 2023
5 Min Read
Share

Dawladdu waxa ay cagta saartay waddada ay ku xaqiijinayso ahdaafta Qaran ee leh hor-tabinta,1- Ciribtirka Khawaarijta,2-Deyn-cafinta,3-  Qaadista cunaqabataynta Hubka,4- Dagaalka lagula jiro Musuqa maasuqa,5- Geeddi socoka-Dimuquraadiyadda.

Bishii Maarso ee sanadkii 2020-kii, Soomaaliya waxay soo gaartay marxaladda kowaad oo ah mid ka mid ah labada marxaladood ee hannaanka deyn cafinta (HIPC). Hannaanka HIPC waxaa loo dejiyey in waddamada Soomaaliya oo kale ah in deynta looga cafiyo. Marxaladda kowaad (decision point) oo lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay qeyb ka noqoto hannaanka HIPC waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay shuruudihii horudhaca u ahaa deyn cafina sida maamulka wanaagga dhanka mashaariicda IMF-ta iyo kuwa kale. Marxaladaas kadib, Soomaaliya waxaa laga doonayaa in ay fuliso dhammaan shuruudaha deyn cafinta, si Soomaaliya ay u gaarto marxaladda labaad (Completion point).

Haddii ay Soomaaliya soo gaarto marxaladda labaad, taasi oo la filayo dhammaadka sanadka 2023-ka, Soomaaliya waxaa laga cafin doonaa inta badan deyntii lagu lahaa oo gaaraysay USD 5.2 Billion.

Deyn cafinta kadib, waxaa suurtagal ah in la arko isbedello dhaqaale, waxaa la eegayaa Dhanka fursadaha (ama faaidooyinka), Soomaaliya waxa ay ka faa’idaysaa laba arimood. Midda 1-aad, Soomaaliya waxaa loo arkayaa dal sameeyay dib-u habeyn dhaqaale una hogaansamay talooyinkii IMF ta, taasina waxay kor u qaadeysaa sumcadda Soomaaliya ee dhanka maamulka maaliyadda iyo dhaqaalaha, sababta oo ah warbixinada IMF-ta waxay saameyn xooggan ku leeyihiin go’aamada waddamada. Midda 2-aad waxaa weeye Soomaaliya waxa ay fursad u heli doontaa in ay deyn ka qaadato waddamada iyo hey’adaha caalamiga ah. Labadaasi fursadood waxay ka mashquuliyeen Soomaalida in ay qiimeeyaan caqabadaha dhaqaale ee imaan kara deyn cafinta kadib.

Haddaba dhawaan warbixin uu soo saaray Bangiga Aduunka ayuu amaanay Dadaalada ay wado Dowlada Soomaaliya ee la xiriira deyn cafinta iyo dib u habeynta dhaqaalaha, Warbixinaasina uu saaray Bangiga Aduunka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadaalka Dowlada Soomaaliya ay ugu jirto dhisida hey’ado awood leh lagu kordhiyay deeq lacageed oo dhan 75 Milyan oo doolar, taasi oo Soomaaliya ka caawineysa in ay si buuxda u gaarto Yoolkeeda Deyn Cafinta.

Tilaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay la xiriira Sameynta Sharciyada ay ka midka yihiin Maalgashiga, Aqoonsiga Qaranka iyo Sharciga ilaalinta Xogta iyo shuruucda kale ee Deegaanka, Korontada iyo Kaluumeysiga ayaa Bangiga Aduunku sheegay in ay qeyb ka qaadaneyso kobcinta dhaqaalaha Dalka

Warbixin ay soo saartay Hey’adda World Bank ayaa lagu sheegay in Guddiga Sare ee Maamulka uu ansixiyay Deeq dhaqaale oo dhan $75-millions oo loogu talagalay kabka miisaanidda Dowladda, Deeqdaani oo gaar ahaan ka timid barnaamijka horumarinta Siyaasadda Dhaqaalaha (DPO)…

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federalka oo Dhaqaale yari muddo bilooyin ah la daala dhaceysay ayaa si buuxda u soo dhaweyneysay, kana mahadcelisay taageerada Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Federaalka, Deeqdaan ayaa ku soo aaday xili adag oo Maamulka Dowladda Soomaaliya uu barnaamijyo Dagaal iyo xakameyn baadda Kooxda Argagixisada ka wado Caasimada iyo Gobolada ku dhow.

Taageeradaan Maaliyadeed waxa ay imaaneysaa xiligii ugu habooneyd ee Dowladdu ay sheegatay inay horumar ka gaartay dib-u-habeynta dhaqaalaha, waxayna sahlaysaa in si habsami leh ay u sii scodaan dadaalada aan ugu jirno kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

Dowladda Soomaaliya oo ku sii siqeysa (kusii dhawaanaysa) inay gaarto dhammaadka hannaanka deyn cafinta Bilaha soo socda, ayaa Isbuucaan (Todobaadkan) dowladda Ruushka waxay ka cafisay Lacag dhan $684 Milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Dhanka kale, dakhliga gudaha ee dowladda ayaa markii ugu horeysay gaaray $30 milyan dollar, kadib markii ugu horreysa,y iyadoo la rajeynayo inuu sii kobco, maadaama dowlaaddu la dagaashay Lacagihii ku dhici jiray jeebabka gaar ka ah, waxayna arrimahaan ay ka dhigan yihiin in dowladda ay ka go’an tahay, inay wax badan ka badasho nidaamka maaliyadeed iyo dhaqaalaha Waddanka ee guud ahaan.

falanqeeye ayaa sidaan yiri:- “ Khawaarijta ayay sidoo kale dowladdu kula dagaalamaysaa Gacan, halka gacanta Labaadna ay deymaha ku dalbanayso in laga Cafiyo, Lacagta deynta ah dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa qaadatay, ee maahan Lacago la isticmaalay dhawaantan”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee la Socodka Cimilada “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu weheliyo Xoghaya Guud ee urur Gobaleedka IGAD Dr. Workneh…

GudahaWararka
December 23, 2021

Kumaandooska Soomaaliya oo duqeyn ku dilay 1o ka tirsan Al-shabaab

Muqdisho(SONNA) Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska Ciidanka ARICOM ayaa duqeyn cirka ah u gaystay warshad Alshabaab leedahay oo qaraxyada…

GudahaWararka
December 10, 2020

Wasiirka Gaadiidka XFS oo ka hadashay fursadaha uu keeni doono Garoonka Cusub ee Muqdisho

Muqdisho, (SONNA): – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal, ayaa ka hadashay fursadaha…

GudahaWararka
December 19, 2024

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐮𝐝𝐝𝐨 𝐜𝐮𝐬𝐛𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐬𝐢𝐢𝐧 𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa u cusboonaysiiyey muddada xil-hayntooda Guddiga maamulka hey’adda Naafada…

GudahaWararka
January 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023