Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaliya oo ku dhawaaqday in ay cafis u fidin doonto dhalinyaradda kasoo laabata fikirka khawaariijta.
Dowladda Soomaliya oo dagaal adag kula jirta kooxda khawaariijta ee naxariista daran,ayaa ku dhawaaqday in ay fursad siinayso dhalinyaradda kasoo laabata fikirka khaldan ee kooxda khawaariijta,dowladda ayaa xustay in la cafin doono qofkasta oo kasoo laabta fikirka gurracan ee kooxda khawaariijta.
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa dhowaan mar uu ka hadlayey shirka dib u heshiisiinta koonfur-galbeed waxa uu ku baaqay in dhalinyaradda soomaaliyeed kasoo laabtaan fikirka xagjirka” Dowlad ayaad haystaan,idin taageeraysay noloshiina damaanad qaadaysa nolol iyo shaqooyin idiin abuuraysa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya oo waraysi gaar ah siiyey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in marka hore ba aragtida khawaariijtu tahay aragti dibedda la inooga soo dhoofiyeyโ fikirka khawaariijta waa fikir dibedda laga keenay,waxa lagu khalday oo ku kadsoomay dhalinyarro badan oo Soomaaliyeedโ ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur sh Aadan Madoobe.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in sidii hore ba madaxweynuhu ugu dhawaaqay dhalinyaradda kasoo laabata fikirka gurracan isla markaana maqla baaqa madaxweynaha iyo baaqa culimadda la cafin doono,loona samayn doono nolol iyo mustaqbal,isagoo dhanka kale sheegay in qofkii Khawaarijta Al-Shabaab in uu kujiro ku adkeysto in ciidanka waajibaadkooda ka gudan doonaan ayna shacabka ka qaban doonaan shacabka Soomaaliyeed.
Waraysiga Guddoomiyaha oo dhanaystiran lifaaqan la daawo.
https://fb.watch/ibD44eeSZK/