Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqday in si guud loo cuuryaamiyey hanaankii maaliyadeed ee Khawaarijta, waxaana kala bar la dhimay dhaqaalihii ay heli jirtay Khawaarijtu.”Waxaa la joojiyey baaddii Khawaarijtu ka qaad jirtay badeecadaha muwaadiniinta Soomaaliyeed uga soo dega Dekadaha iyo Garoomada, sidoo kalena waxaa la joojiyay Baaddii kooxdu ka qaadi jirtay hantida la kala iibsado” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta dowladda FS Cabdiraxmaan Al-cadaala.
Halkaa Hoose ka daawo shirka Jaar’id ee wasiirkaย ee u ku faahfaahinayo Cuuryaaminta hanaankii maaliyada Khawaajita.