Muqdisho.(SONNA)…Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed xasan , Wasiirka warfaafinta Xukummada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) , xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya, ayaa ka qeyb galay kulan ka dhcay xarunta gobolka oo lagu xoojinaayo wacyigalinta ka hortaga cudurka Coronovirus
Kulankan oo ay sidoo kale ay ka qeybgaleen Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ,ayaa lagu faray Agaasimayaasha Dowlada hoose Xamar iyo maamulada degmooyinka in wacyigalin xoogan ay ka fuliyaan Degmooyinka si looga hortago cudurka halista ah ee Covid-19.
Kulankaan ayaa waxa uu hor dhac u ahaa Olole lagu wacyigelinayo bulshada Caasimada iyadoo laga fulin doono dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si loo xakameeyo Cudurka dalka ku sii fidayo ee Karoona Feyrus.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojineyso ololaha lagula dagaalamayo Cudurkan qatarta ah ee Covid-19 waxaana tirada dadka usoo ritay ay gaartay in kabadan 600 qof iyadoo dadka u geeriyooday gudaha dalka ay gaartay 28 waxaana ilaa iyo hada ka caafimaaday 31 qof tan iyo markii uu dalka soo galay.