Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay guulaha mid kamid ah halbeegyada caalamiga ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay guulaha mid kamid ah halbeegyada caalamiga ah
WararkaWargayska

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay guulaha mid kamid ah halbeegyada caalamiga ah

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 7, 2020
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Soomaaliya oo xaqiijisay mid ka mid ah halbeegyada caalamiga ah ee loogu tala galay Maareynta Musiibooyinka.
Dowladda Soomaaliya ayaa horumar ballaaran ka sameysay xaqiijinta himilooyinka ku dhIgan hannaan howleedka loo yaqaan SENDAI (Sendai Framework for Disaster Risk Reduction).

Si loo yareeyo khataraha musiibooyinka dalka ka dhaca, loona badbaadiyo naf iyo maalba, waxaa hannaan howlaadkiis dhigayaa in dalkasta uu yeesho xarun qaran oo bixisa digniinaha hore ee halista dalka ka dhaca.

iyadoo taas laga amba qaadeeyo, ayaa waxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ay dadaal dheeraad ah ku bixisay si ay uga mira dhaliso unkidda iyo la soo wareegidda habka isbadelka cimiladda iyo ka digtoonaanta khataraha musiibooyinka,
Dhawaan ayaa raโ€™isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya si rasmi ah xariga uga jaray xarunta bixin doonta mid ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan ee ah dhismaha itaalka bulshooyinka ku nool goballada iyo degmooyinka dalka.

Sidoo kale hiigsiga ku saabsan in la sameeyo xaruntan waxey ku jirtay qorshaha Tubta arimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya halbeegiisa shanaad โ€˜5.2.โ€™ taas oo looga gol lahaa in Wasaaraddu ay hirgaliso Xarun qaran oo bixisa digniinaha hore ee halis wadareedka.

Xaruntani waxay digniinaha hore ka bixineeysaa halista ku soo fool-leh dadka iyo dalkaba sidaa darteed waxay ka koobantahay illaa afar qeeybood oo mid kasta ay qabato shaqa gooni ah, waxayna kala yihiin:
1- Qeybta xog ururinta iyo daraaseeynta halis-wadareedka
2- Qeynta adeega la socodka xaal adda iyo bixinta digniinaha halis-wadareedka
3- Qeeybta baahinta digniinaha hore ee halis-wadareedka
4- Qeeybta dejinsa qorshaha ka jawaab celinta halis-wadareedka
Nidaamka ay xaruntani ku shaqeeyso iyo adeega ay bixineeysaba dadka ayaa xudun u ah, waxaa sidoo kale nidaamkan waajib ku ah in uu muwaadhinka shakhsiga ah iyo bulshadaba awood u siiyo si ay goor hore u ogaadaan khatarta halista ku soo fool-leh, una helaan wakhti ku filan oo ay goโ€™aan a.

Mabaadiiโ€™da Hagta nidaamkan Nidaamkan waxaa haga oo bud-dhig u ah qorshaha horumarinta qaranka, siaasadda qaran ee Maareeynta Khataraha Musiibooyinka, sharciga qaran ee maareeynta musiibooyinka oo ay sumadiisu tahay (Lr. 17) iyo istaraatiijiyadda caalamiga ah ee (Sendai Framework) hadafkeeda (G) oo qeexaya lagama-maarmaannimada nidaamka bixiya digniinaha hore ee halis wadareedka.

Ku dhawaaqista Xaaladda degdega ah ee Masiibooyinka Sida ay qabto siyaasadda qaran ee maareeynta khataraha musiibooyinka, ku dhawaaqista xaaladaha degdega ah ee masiibooyinka dalka ka dhaca waxaa aasaas u ah in la hayo xog ku filan oo gaโ€™aan lugu qaadan karo si loogu dhawaaqo xaalad degdeg ah.

Ku dhawaaqista xaaladaha degdega ah waxaa is ka leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda sidaa darted ayuu nidaamkan ka digista halistu waxa uu u yahay udub dhexaadka iyo isha xogta la isticmaalayo marka lugu dhawaaqaayo xaaladda dedega ah.

Dhismaha nidaamka qaran Heykalka Dhismaha nidaamkan qaran wuxuu salka ku hayaa oo uu ku dhexdhisanyahay qaab dhismeedka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka, waaxdeeda Maareeynta khataraha musiibooyinka.

Sidoo kale waxay wada shaqeeyn joogta ah la yeelaneeysaa saktarada ay hogaanka u hayaan wasaaradaha kale ee dhigeeda ah, sida; wasaaraddaha adeega bulshada ka shaqeeya badankood.

Xogta ay Xaruntu soo saarto
Xogta rasmiga ah ee nidaamka xaruntu soo saarto waxaa ka mid ah; xogaha joogtada ah iyo midda xilliyeedka ah oo isugu jira (a) saadaasha roobabka, (b) saadaasha heerkulka (c) la socodka halista abaaraha (d) la socodka halista fatahaadaha (e) la socodka halista duufaannada (f) la socodka waxyeellada Ayaxa Saxaraha, iyo (g) halista cudurada faafa iyo kuwa saf-mareenka ah.

Xaruntani waxay ku shaqeeyneeysaa qalab casri ah oo isugu jira aalado kombiyuutar oo awood badan iyo shaashado aad u waaweeyn oo lagala socdo xaaladaha hadba sideey isku badalayaan.
Xarunta waxaa loo carbiyay shaqaale aqoon xambaarsan, joogto ah oo u dabacsan, kana soo bixi kara waajibaadka loo igmaday.

Sidoo kale xaruntani xogaha ay soo saarto waxaa loo baahiyaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Raadiyaha, Telefishinka, Mareegta internetka oo Website, Twitter iyo Facebook-ba leh, iyo qaab toos digniinaha loogu diro dowlad goboleedyada Federaalka ku mideeysan oo illaa heer dagme ayeey digniintaasi hadda gaari kartaa, waxaana rajeeyneeynaa in aan awood u helno sidii aan ku gaarsiin lahayn illaa iyo heer tuullo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay howlgallada ka socda dalka ayaa Amaanay doorka Shacabka ay ka qaateenย 

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadda Jimcaha kula Oogay qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda Masaajidka Shuhadada…

GudahaWararka
October 13, 2023

Guddoonka golaha Shacabka oo ku ammaanay laamaha amniga sida shacabku ay uga bad baadiyeen cadowga

Muqdisho(SONNA)ย  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyey geerida muwaadiniintii Soomaaliyeed…

GudahaWararka
August 17, 2020

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku ku xigeenka…

GudahaWararka
December 10, 2023

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Hawlgalada milateri ee dhameystirka wejiga 1aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo si habsami ah uga socda gobollada dhexe…

GudahaWararka
August 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023