Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo soo saartay go’aanno adag dhidibada loogu siibayo haraadiga Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo soo saartay go’aanno adag dhidibada loogu siibayo haraadiga Khawaarijta
GudahaWararka

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay go’aanno adag dhidibada loogu siibayo haraadiga Khawaarijta

By Bile
Last updated: February 14, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada ayaa go’aano adag oo ka soo baxay waxaa lagu faray shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh muddo sadex (3) usbuuc ah, iyadoo hay’adaha maaliyadeed, Bankiyada, Xawaaladaha iyo Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada) lagu faray inay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hay’addaha ku shaqada leh sida Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood

Dhan kale bulshadda Soomaliyeed ayaa wargaliyay in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta u aqriyey Go’aanno adag oo ka soo baxay Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada.

Go’aanadaan ayaa quseeya Xawaaladaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha dhulka iyo kuwa isgaarsiinta.

Hoos ka Akhri go’aannada ka soo baxay Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada.

   GO’AANNO

Guddiga Qaran ee la-dagaalanka Lacag Dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada(National Anti-money laundering and Combating terrorist Financing Committee-NAMLC).

Markii uu arkay: Xeerka Ka-hortaga Lacag dhaqidda & Maalgelinta Argagixisada.

Markii uu arkay: Waajibaadka shaqo ee guddiga.

Markii uu yaqiinsaday: inay waajib tahay in ilaha dhaqaale ee ay ka faa’iidaysan karaan khawaarijta laga hortago, lana adkeeyo dadaalada Dowladda ay ku xannibayso tubooyinka iyo marinada dhaqaale ee khawaarijta.

Markii uu garwaaqsaday: Dagaalka khawaarijta Al-shabaab iyo dhamaan argagixisada dalka ka jira ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud.

Markii uu dhagaystay: Jihaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Guddigu wuxuu soo saaray go’aannada soo socda:-

  1. Guddigu waxa uu muwaadiniinta Soomaliyeed ku wargalinayaa in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta gaar ahaan dembiyada lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada. Lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada waa dambiyo waawayn si waafaqsan qodobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada.
  2. Dhammaan shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha waa inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh, iskuna diiwaangeliyaan muddo sadex (3) usbuuc gudahooda oo ka bilaabanta maanta oo taarikhda tahay 11/02/2023. Ciddii aan isku diwaangelin muddadaas, waxaa lagu qaadayaa ciqaabahaku xusan qodobada 28-aad iyo 29-aad ee sharciga ka hortagidda lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada iyo qodobka 332-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo kala ah:
  3. Xabsi ciqaabeed
  4. Ganaax lacageed
  5. Xayiraad safar
  6. Kala noqosho shati ganacsi &
  7. In la isugu daro dhammaan ciqaabaha kor ku xusan.
  8. Dhammaan shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada lacagaha, caymiska & sariflayaasha lacagaha qalaad, waxa la farayaa in ay isku diiwaaangeliyaan muddo 30 cisho gudahood, iyadoo talaabo sharciga waafaqsan laga qaadidoono cidkasta oo aan diiwaangashanayn.
  9. Guddigu waxa uu farayaa hay’adaha maaliyadeed, (Bankiyada, Xawaaladaha & Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada)in ay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hay’addaha ku shaqada leh sida FRC&Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood. Ciddii kusoo gudbin weysa warbixinnada muddadaas waxaa laga qaadayaa talaabooyinka ku cad sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada.
  10. Dhammaan qareenada iyo nootaayooyinka, shirkadaha & dadka ka ganacsada dhulalka & dhismayaasha (real estate companies, real estate agents),macadanta & dhagaxyada qaaliga waa in ay FRC uga warbixiyaan dhammaan dhaqdhaqaaqyadalooga shakiyay inay xiriir la leeyihin khawaarijta si degdeg ah,si waafaqsan qodobada 5aad &14aad ee sharciga kahortaga lacag dhaqidda &maalgalinta argagixisada.
  11. Bangiyada, Xawaaladaha & Shirkadaha adeegyada lacagaha mobile-da aan shati ka haysan Bangiga Dhexe, waxa lala tiigsan doona sharciga hay’adaha maaliyadda 2012, ayadoo dabagal iyo baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo dhamaan hay’adaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay.
  12. Dhammaan shirkadaha isgaarsiinta & adeegyada lacagaha mobile-lada (mobile money service providers) waxa la farayaa inay diiwaangeliyaan macaamiishooda cusub, ugu yaraanna waa in sawir iyo faraha laga hayo macmiil kasta loo furayo Sim-kaar cusub. Kuwa horay u qaatay Sim-kaararka waa in dib loo diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn mudo 90 cisho gudahoodah si waafaqsan qodobka 5-aad sharciga kahortaga lacag dhaqidda iyo maalgalinta argagixisada.
  13. Dhammaan Shirkadaha Adeegyada lacagaha mobile-lada (Mobile Money Providers) waa in ay dhaqdhaqaaqyada maalinlaha ah ee macaamiisha uusan kabadnaankarin USD $300 (Sedex boqol oo doolar) cidii fulinwaysana lala tiigsandoono sharciga.
  14. Dhammaan shirkadaha ganacsiga & adeegyadaganacsiyadda yar yar ee dalka, waa inay iska diiwaangaliyaan Wasaaradaha Ganacsiga & Warshadaha iyo wasaaradaha & hay’adaha kale ay shaqadooda khusayso muddo 60 cisho guddahood. Ciddii isdiiwaagalin wayda ama la arko iyadoooganacsiaan diiwaangashanayn ku jirta, waxaa la horgaynayaa maxkamada awoodda u leh.
  15. Dowladdu waxaa ay la wareegeysaa si waafaqsan Sharciga Ka hortaga Lacag dhaqida & La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, hanti kasta oo lala xiririyo khawaarijta, isla markaana xayiraad safar ayay kusoo rogeysa cid kasta oo xiriir la leh lacag dhaqista ama maalgelinta khawaarijta.
TAGGED:Dowladda Soomaaliya oo soo saartay go'aanno adag dhidibada loogu siibayo haraadiga Khawaarijta
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday dhacdadii dhawaan ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta shirguddoomiyey Kalfadhiga 4aad kulankiisa 14aad ee…

GudahaWararka
February 3, 2024

1XBET iyo Maxkamadeynta Sarkaal ku turufeeyay Qorya ciidan iyo Hanti shacab

Muqdisho,(SONNA):- Maxkamadda ciidamada qalabkan sidda ayaa soo gabagabeysay dhgeysiga dacwad loo heysto Xidigle/Boolis Maxamed Tahliil Cabdi oo lagu eedeeyay inuu…

GudahaWararka
August 6, 2023

Mas’uuliyiinta Dowladda oo boogaadiyay daaweyn iyo qalliin xagga indhaha ah oo ka socda Muqdisho

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka ayaa maanta booqasho howled ku tagay Cisbitaalka Banaadir oo ay ka socdaan olole looga…

Gudaha
November 22, 2024

Hay’adda SODMA oo la wareegtay gargaar loogu talagalay dadka danyarta ah

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa kulan la qaatay Safiirka Isku-tagga Imaaraadka Carabta Danjire…

GudahaWararka
May 10, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023