Maadaama ay Dalka ku soo bateen waxyaabaha maanka Dooriya ayay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ay soo saartay Awaamiir ujeedkoodu yahay in lagu xakameeyo qaabka isticmaalada dawooyinka sida qaldan loo isticmaalo, oo ay Wasaaraddu sheegtay in lagu yareynayo waxyeellaada caafimaad ee ka dhalan karta.
Qoraal ay soo daartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxayaabaha amarkaasi ku saabsan yahay axayna qoraalkeeda ku bilowday โiyadoo laga duulayo waxyeelada caafimaad darro iyo midda amni ee ka dhalata si xun u isticmaalka daawooyinka ay tahay in la-xakameeyo kuwaasi oo maanka iyo dhimirka saameeya, ayaa Wasaaraadda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey soo rogtay go’aano iyo awaamir lagu xaqiijinayo hubinta caafimaadka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.โ
Awaamiirta waxaa kaloo ku jira oo ay Wasaaraddu tilmaantay in la billaabay in si ku-meel gaar ah loo diiwaangelinayo dhaqtarka qori kara daawooyinka la xakameeyo iyo dawo yaqaanka bixin kara daawooyinkaas, waxayna Wasaaradda fartay dhammaan Istibaallad Danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee dalka, inay soo gudbiyaan ugu badnaan liiska 5 dhaqtar oo leh takhasus iyo waayo aragnimo dhan 5 sano, kadibna dhaqtarkii buuxiya shuruudaha lagama maarmaanka u ah, ay wasaaraddu siin doonto diiwaangelin ku meel gaar ah oo la xiriirta qorista daawooyinka la xakameeyo si waafaqsan nidaamka qorista daawooyinkaas oo afka qalaad lagu yiraa (Controlled Substances License).
Wasaaradduu waxay ka digtay in dhaqtarkii qora daawooyinka la xakameeyo asigoo aan haysanin diiwaangelinta qorista daawooyinka la xakameeyo, uu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla, waxaa kaloo ay Wasaaraddu ka digtay in uu fal-damibyeed ku dhici doono dhaqtrakii qora xaddi ka baxsan intii loogu talo-galay daaweeynta xanuunka uu ka cabanayay bukaanka, kuna cadaato inuu u siiyay bukaanka dawo kale.
Wasaaraddu waxay faraysaa in si loo hubiyo bixinta iyo keydinta daawooyinka la xakameeyo, waxay isbitaal kasta fartay inuu soo gudbiyo labo dawo-yaqaan ama labo xirfadle oo aqoon durugsan u leh bixinta iyo keydinta daawooyinka u baahan in la xakameeyo, kadib marka ay soo buuxiyaan shuruudaha laga rabo, kuwaasi oo Wasaaradda ay siin doonto diiwaangelin ku-meel gaar ah, waxayna Wasaaraddu uga digtay in qofkii lagu arko daawooyinka la xakameeyo, asigoo aan haysan warqadda Dhaqtarka uu soo qoray dhaqtar ruqsad u haysta qorista daawooyinkaasi, uu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla.
โDhammaan ganacsatada keenta daawooyinka ay tahay in laxakameeyo, waa inay ruqsadda khaas ah ka qaataan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, DFS,โ ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.โHaddaba Ganacsadihii soo dajiya ama dhoofiya daawo ka mid ah daawooyinka la xakameeyo asigoo aan ruqsad ka haysan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DFS, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala.โ
Ugu dambeyntii Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay sidoo kale mamnuucday in lagu iibiyo dhammaan daawooyinka la xakameeyo (Controlled Substances) farmashiyayaasha tafaariiqda gada, iyadoo aan oggolaansho laga haysan Wasaaradda, laga bilaabo 21/04/2023.
Tilaabadaan ay qaaday Dowladdu waxay tahay mid loo baahnaa, kuna soo aaday waqtigii loo baahanaa, waayo tan iyo dhiciddii Dowladdii dhexe ee Dalka 1991-kii, waxaa dalka ka socday nidaam iyo kala dambeyn laโaan sababtay in qof walba waxa uu doono sameeyo, dalkana keena waxa walba maadaama uusan jirin hubin waxa soo gala iyo waxa ka baxaya, taasi oo sababta in lagu beero ama lagu sameryo dalka gudahiisa Mukhaararaad kala duwan, taasi khal khal galin kara ammaan guud ee Dalka iyo fasahaad Bulsho.
Bilahaan dambe waxaa Magaalada Myuqdisho ka socday Howlgallo lagu sugaayo ammaanka iyo waxa sababa ammaan darrada, waxayna howlgalkii ugu dambeeyay ay Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ay saldhiga degmada Kaaraan ku soo bandhigay Jawaano Xashiish ka buuxaan,calaq iyo waxyaabo kale oo ay ku jiraan daawooyinka maanka dooriya ah, iyadoo ay Ciidamada ay maalmihii u dambeeyay wadeen howlgalo ka dhan ah dadka beerta, kuwa soo daabula, dadka iibiya iyo kuwa isticamala waxyaabaha mukhaadaraadka ah.
Taliyaha hoggaanka dhaqanka iyo Diinta ee ciidanka booliska Soomaaliya Korneyl Mire Axmed Mataan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay joogto u baacsan doonaan maan-dooriyaha iyo dadka ka ganacsada, iyadoo dhinaca kalena Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Doondishe uu dhankiisa sheegay in howlgallo saddex weji leh ay ka socdaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah howlgalka la dagaallanka mukhaadaraadka, howlgalka la dagaallanka burcadda hubeysan iyo howlgal kale oo lagula dagaallamayo kooxda Khawaarijta, waxaana caddeeyay in Howlgalladii ugu dambeeyay lagu soo qabtay ilaa 10-eedeysane oo lagu soo qabtay baaritaano laga sameeyay xaafadaha bartamaha iyo galbeedka gobolka Banaadir.
Howlgalkaan ayaa horseeday in labadii todobaad ee u dambeeyay lagu soo qabqabto kooxaha ka ganacsada Daroogada iyo kuwa Isticmaala, waxaana falalkaan ay horseedeen inay xirmaan san-daqadihii iyo goobihii kale ee lagu iibin jiray waxyaabaha maanka-dooriya, iyadoo Warshaddii ugu weyneyd oo ku tiil Deegaanka gubadleey la burburiyay, waxaa kaloo jira in hadda ay soo food saartay Dhalinyaradaa cabsi xooggan, kuwaasoo qaarkood la sheegay in ehelkooda ay u dhoofiyeen Dalalka Kenya & Ethiopia, Dhalinyaradaan xaafadaha magaalada Muqdisho oo ay ku lahaayeen goobo gaar ah oo lagu iibin jiray waxyaabaha maanka-dooriya sida xashiishhka, calaqa, taabuuga iyo sidoo kale noocyada daroogada (Herion iyo Cocain) ay isticmaalaan dhallinyarada qaar.
Aamina Maxamed oo ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed oo Gabadheedda lagu waxyeelay Mukhaadaraadka ayaa ku calaacashaay ” Dowladda waxaan halkaan uga mahadcelinayaa tallaabadaan wanaagsan ay qaaday waxaana ka sii rabaa inay fuliso ay Dalka ka mamnuucdo Daawooyinka loo isticmaalo Daroogo ahaanta, taasi oo lagu waxyeeleeyo Gabdheenna, laguna halleeyo mustaqbalkooda, xitaa qaar yaa ku naf waayay Daawooyinkaasi Maandooriyaha ah”
Haddaba waxaa dhihi karnaa Dowladda Soomaaliya waxay qaaday tallaabo loo baahnaa iyo waqti ku habboon, waayoo waxaa Dalka ku soo badanayay waxyaabaha maanka dooriya, kuwaasi oo fasahaadin kara dhallinyarada Soomaliyeed oo ah cududda Dalka ugu firfircoon, islamarkaana ah mustaqalka Dalkaan, waxaana Dal horumariya dadkiisa, sidaasi awgeed waxaa loo baahan yahay in Dowladdu hubiso waxa Dalka soo galaya iyo meelaha kale ee laga heli karo dhammaan mukhaadaraadka nooc kasta uu leeyahay, si loo helo dhallin caafimaad qabta.