Muqdisho-(SONNA)-Qaar ka mid ah Ardayda Fasalka Afaraad Dugsiyada sare ee Magaalada Baraawe ayaa Maanta soo gaaray Muqdisho, markii ay Dowladda dhexe ee Soomaaliya u dirtay Diyaarad u gaar ah.
Ardaydan oo uu dhaafay Maalinta koowaad ee Imtixaanka ayaa waxay maaddooyinka haray ku qaadan doonaan Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, sida ay sheegeen qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda waxbarashada Dalka.
Xildhibaan, Maxamed Nuuraani Bakar oo ka mid ahaa madaxdii soo dhoweysay Ardayda ayaa Dowladda Soomaaliya uga mahadceliyey sida ay ugu dedaashay in Imtixaanku uusan ka wada baaqan Ardaydaaasi.