Muqdisho (SONNA) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta saxiixday Hab-maamuuska IGAD ee isu socodka xorta ah iyo degenaanshaha sideedda dal ee geeska Afrika, kaasi oo kor u qaadeya isdhexgalka gobolka iyo Iskaashiga horumarka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, mudane Isak Mursal, Wasiir Xigeenka Wasaaradda Gaashandhigga, Mudane Abdifitaah Qaasim, qaar ka mid ah Xildhibaannada Labada Gole ee Aqalka Sare, Golaha Shacabka, Madaxda Urur Gobalada IGAD iyo Martisharaf kale ayaa goobjoog ka ahaa munaasabada saxiixa.
Munaasabada ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah ooย fursada badan siinayo muwaaaddinka, Sida; Ganacsiga, Waxbarashada Caafimaadka iyo kobacinta Dhaqaalaha geeska Africa.
Dhanka kale, fulintiisa iyo fududenta sidii uu ku noqon lahaa mir-dhal ayaa la guda geli doonaa, si loo xoojiyo amniga Gobalka iyo fursada jira ee ay tahay in laga faaโ iideysto.