Muqdisho; (SONNA)-Wafdi ka socda xukuumada soomaaliya gaar ahaan gudiga Qaran ee arrimaha isku duba ridka Covid-19 ayaa gaarey magaalada Baydhabo halkaasi oo ay gaarsiiyeen qalab iyo dawooyin caafimaad waxaanaย sidoo kale ay qiimeyn doonaan goobaha loogu tala galey in lagula tacaalayo Caabuqa iyo isbitaalada lagu karantiilo bukaanada uu so rito cudurkaan.
Gudigaan oo ay hogaaminayaan masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Raโiisulwasaaraha Dalka mudane Xasan Cali Khayre ย ayaa lagu wadda iney socdaalkooda baydhabo soo gababeeyaan isla maanta si loo diyaariyo qorshayaal lagu gaarayo Dowlad- goboleedyada kale ee Dalka.