Muqdisho:(SONNA-Mas’uuliyiin ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo xubno ka tirsan guddiga qaran ee ka hortagga COVID-19 ayaa maanta agab caafimaad geeyay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug, agabkan ayaa loo adeegsan doonaa sidii loo xakameyn lahaa safmarka Coronovirus.
Wafdiga oo ay garoonka dhuusa-mareeb kuso dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan galmudug ayaa intii magaaladan ay joogaan waxey booqan doonaan isbitaalo gaar ah oo maamulka galmudug uu u diyaariyay in lagu karantiilo dadka uu so rito caabuqaa Covid 19.
Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeele ayaa horey loogu wareejiyay agabkan ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo loogu talagalay in lagula tacaalo bushiga COVID-19.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa amray in dhammaan maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir dowladdu gaarsiiso agab iyo maaliyad loo adeegsado ka hor tagga safmarka Coronovirus.