Muqdisho,(SONNA):-Kulan ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige iyo Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Timur Igorevich Maksimov ayey ku kalaย saxeexdeen heshiis dawladda Ruushka kaga cafinaysoย lacag ka badan $684-Million oo ay dowladda Soomaaliya ku lahayd.
Heshiiskan ay kala saxeexdeen labada dhinac ayaa ka dhacay magaaladda Saint Petersburg iyadoo u lafdhabar u noqon doono heshiiskan dhammaystirka geediga dayn cafiska Soomaaliya oo ay muddo dheer dadaal ugu jirta JFS.