Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    February 20, 2026
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymihii Sanduqa Qaramada Midoobay ee Horumarinta Beeraha (IFAD)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymihii Sanduqa Qaramada Midoobay ee Horumarinta Beeraha (IFAD)
GudahaWararka

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymihii Sanduqa Qaramada Midoobay ee Horumarinta Beeraha (IFAD)

By Bile
Last updated: February 14, 2023
2 Min Read
Share

Roma-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah, waxa uuna sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soosaarka beeraha dalka ay ugu horreeyeen argagixisada Alshabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka, waxa uuna xaqiijiyey in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii  loo kobcin lahaa fahamka iyo kasmada beeraha.

TAGGED:Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymihii Sanduqa Qaramada Midoobay ee Horumarinta Beeraha (IFAD)
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho.SONNA...- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka,…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wareeggii 1-aad ee Dacwadda Baddeenna oo si rasmi ah u soo gaba-gabowday.

Sida uu warbaahinta u sheegay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay…

Wararka
March 17, 2021

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Mozambique ee Ethiopia oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dalka

Addis Ababa (SONNA): Danjiraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulan looga wada hadlay qodobo…

GudahaWararka
August 14, 2023

Israel oo duqeymo cusub ku dishay 30 ruux oo u badnaa carruur

Ciidamada Israa'iil ayaa duqeeyay laba iskuul oo kale oo ku yaalla magaalada Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 30 Falastiiniyiin ah…

Caalamka
August 5, 2024

Taliyaha Ciidanka dhulka oo hawlgallo lagu dardargalinayo dagaalka khawaarijta kawada Shabeellada Dhexe

Muqdisho(SONNA);-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo maalmahan ku sugnaa Furimaha hore ee Shabeellada…

GudahaWararka
March 10, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023