Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dowladda Soomaaliya oo isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Dowladda Soomaaliya oo isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 4, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Magaalada Muqdisho waxaa ku qabsoomay dhammaadkii Todobaadkii la soo dhaafay shir ay ka soo qaybgaleen Madaxda Wadamada Deriska la ah Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo ah ama loo yeero Wadamada safka hore, islamarkaana ay ka joogaan Ciidamada nabad ilaalinta ayaa ka qebgalay shirkaasi, kaasi oo socday muddo saacado ah, waxaana uga sii horreeyay shir ay lahaayeen Wasiirada Gaashaandigga iyo Taliyaasha Ciidamada ee dalalkaasi iyo Soomaaliya, ugu dambeyntiina waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka koobnaa 15 qodob oo horay khadka Isgaarsiinta looga wada hadlay halka qaar kalena ay ahaayeen kuwo muddo horeba ay heshiis ku ahaayeen, iyaadoo qodobada qaar ay xambaarsanaayeen fariimmo mug leh, waxaana ka mid ah qodob ka hadlaayay ilaalinta midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Qodobkaasi oo ahaa kan 1-aad ayaa u qornaa sidan:- In la tixgeliyo madaxbanaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya. Waxaa la dhihi karaa waa kan ugu muhiimsan, waxaa kaloo jira qodobo muhiim u ah Ummadda Soomaaliyeed waxaana ka mid ah qodobka lagu amaanay Dowladda Soomaaliya waana qodobka 2-aad, wuxuuna u qornaa sida:- Waxaa lagu amaanay Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed go’aanka ay ka qaateen sidii ay uga jirriddo siibi lahaayeen dalka Alshabaab. Waxaa kaloo xiiso leh qodobka 7-aad oo u qoran sidan:- Waxaa la isla gartay dadaallada ay waddo Dowladda federalka Soomaaliya oo ay ku dooneyso in dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan hawlgallada hadda socda ee lagu burburinayo argagixisada.

Shirkaasi Go’aanada laga soo saaray waxaa kaloo jira qodobo muhiim ah sida 10-aad, kaasi oo u qoran sidan;- waxaa La isku raacay hawlgal qorsheysan oo ay ku mideysan yihiin dalalka safka hore laguna baadigoobayo oo lagu burburinayo Alshabaab, iyadoo lagu furayo furimo badan, ujeedkuna yahay in la beegsado goobo ay ku dhuumaaleystaan oo dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Ololahan sida gaar ah loo qorsheeyey ayaa u diidaya kooxda inay u gudubto gobolka intiisa kale, waxaa kaloo si gaar loogu xusay qodobka 12-aad, waxaana lagu soo dhaweeyay codsiga Dowladda Soomaaliya ee lagu qalabeynayo ciidamada cusub, kuna heli karaan hubka fudud iyo kan culus, korna loo qaado awoodda Ciidamada, balse qodobka ugu muhiimadiisa lahaa ayaa ahaa qodobka 14-aad oo u qoran sidan:- Waxaa la amaanay horumarka laga sameeyey horumarinta awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkan 2023, kaasi oo muujinaya inay Soomaaliya u hesho taageero iyo garab istaag si Qaramada Midoobay uga qaaddo Cunaqabateynta Hubka.

Shirka oo uu Shir-guddoomiyay Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya mudane William Ruto, Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul-wasaaraha  Itoobiya mudane Abiy Axmed, waxaana looga hadlay arrimaha amniga Gobolka iyo howlgallada guuleystay ee ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaasi oo u baahday in iskaashi lagala sameeyo dalalka deriska, maadama Khataraha amni ee Argagixisada aysan ku koobneyn Soomaaliya, waxayna Madaxdu isku raaceen Qodobada ahmiyaddaweyn waxaana ka mid ahaa in Soomaaliya horumar balaaran ay ka sameeysay nabad ku soo dabaalidda dalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada, waxaa kaloo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in si gaar ah loo xushmeeyo midnimada dhuleed iyo madax bannaanida Soomaaliya, islamarkaana xornimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Waxaa si aad ah loogu ammaanay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya dadaalka iyo sida ay u muujiyeen in ay ka go’an tahay dalka in ay ka xorreeyaan Khawaarijta, sidoo kale, waxay madaxdu isla garteen in taageero hiil iyo hooba leh lala garab istaago Soomaaliya iyo ciidankeeda qaranka ee dadaalka ugu jira dib u xorreynta dalka.

Madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa soo dhoweeyey dadaalada dhinaca siyaasadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo gaar ahaan kulamada golaha wadatashiga qaranka ee dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ay kaga hadlayaan ajandayaasha qaran ee muhiimka ah iyo in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Shirka ayaa lagu taageeray bogaadinna loogu jeediyey ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika dadaalka ay ka wadaan Soomaaliya, waxaa sidoo kale, lagu soo dhoweeyay shirka dadaalada Soomaaliya ay waddo ee dib u qaabeynta ciidamada, iyadoo ay jiraan ciidamo badan tababarro meelo kala duwan oo gudaha iyo dibadda dalka ku soo qaatay, ujeedkoodana uu yahay in ay ka gun gaaraan xoreynta dalka, amniga dalkanna ay sugaan.

Waxaa kale oo la soo dhoweeyay codsi ay soo jeedisay Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya oo ah in dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay sii laba laabaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya haddii ay noqoto dagaalka lagula jiro argagixisada Al-shabaab iyo xuduudaha dalalkaas ay la leeyihiin in laga ilaaliyo in Khawaarihtu ay falal amni darro ka geystaan, waxaa la amaanay horumarka laga sameeyey horumarinta awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkan 2023.

Waxaa la isla gartay baahida loo qabo adkeynta qorshaha kala guurka ah ee hore u jiray kuna aaddana dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo sidoo kale, Beesha Caalamka ayaa laga dalbaday in ay Soomaaliya ka taageeraan barnaamijka xasillinta oo deegaannada la xorreeyay ay helaan adeegyada asaasiga ah ee shacabka u baahan yihiin sida waxbarashada, caafimaadka, maamul loo sameeyo iyo in loo dhiso ciidamo sugi kara amniga guud ee deegaannadaasi.

Muhiimad ahaan shirkasi waxa uu u ahaa mid muhiimad gaar u ah Dowladda Soomaaliyeed iyo Wadamada dariska la ah oo si weyn uga arrinsaday waxa ay ka yeelayaan Kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta oo uu ku socdo sidii looga sifeyn lahaa Dhulka Soomaalida, islamarkaana aysan firxadkoodu gaarin Dalalka Soomaaliya Deriska la ah, sidaasi awgeed ay iska kaashadaan sidii si wadajir ah loogala dagaalami lahaa waana la isku afgartay qaabkii loo wajihi lahaa Kooxdaasi, marka  waxaan dhihi karnaa Dowladda Soomaaliya waxay isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta.

Qallinka: C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshad XFS oo la kulmay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed  Cilmi  Ibraahim ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda…

Wararka
July 30, 2023

Wasiirka Howlaha guud iyo madax kale oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Masar

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa Safaaradda kuso dhaweeyay…

Gudaha
January 7, 2023

Fanaankii Qaranka Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka, ka dib maalmo uu halkaas ku xanuunsanaa

Mainz (SONNA):- Waxaa dalka jarmalka ku geeriyooday fanaankii weynaa ee qaranka soomaaliya Cabdi Cali Bacalwaan sida uu xaqiijiyay wariyaha warbaahinta…

Wararka
December 24, 2020

Tirada Alshabaab-ka lagu khaarajiyay Daynuunaay oo gaartay in kabadan 35 khawaarij ah

Baydhabo(SONNA):-Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahino dheeri ah ka bixiyey weerarkii khawaarijta ee saakay ka dhacay…

GudahaWararka
April 17, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023