Muqdisho-(SONNA)-Ku simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Cabdiraxmaan Nuur Diinaari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo daabuleyso muwaaddiniinta ku xayiran dalka Suudaan oo dagaallo ay ka socdaan.
Amb; Diinaari ayaa sheegay in dedaalka ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu jiraan samata bixinta muwaaddiniiteenna uu meel wanaagsan marayo, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyay dublomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgalayay safaaradaha waddamada deriska.
Cabdiraxmaan Diinaari ayaa sheegay in xadka Suudaan iyo Itoobiya maanta laga soo gudbin doono 200 oo muwaaddin, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay dowladda Kenya oo 19 Soomaali ah ka qaadday Khartuum iyo dowladda koofurta Suudaan oo dadka Soomaaliyeed u fasaxday inay xadkooda yimaaddaan una fududeeyaan safarkooda.
Danjire; Diinaari Ku simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha ayaa ka codsaday dowladda Sacuudiga in dadka Soomaaliyeed ee haysta dhalashada dalkooda ay u fududeeyaan inay raacaan muwaaddiniintooda.
Cabdiraxmaan Diinaari ayaa hayโadaha kala duwan iyo ganacsatada ugu baaqay ย in ay dadkooda u gurmadaan oo ay qeyb ka noqdaan sidii muwaaddiniinta halkaasi ku xanniban loo samata bixin lahaa, si ay u helaan tasiilaadka ay u baahan yihiin.