Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Arrimaha dibada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo iyo boggaadin u dirtay saldanadda Cumaan Suldaankeeda, Dowladeeda iyo dadkeeda oo u dabaal degaya munaasabadda 51 sano guurada ka soo wareegatay Maalinta Qarannimada dalkaasi oo ku beegan maanta oo ah 18 November.
“Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Saldanadda Cumaan suldaankeeda, dowladdeeda iyo dadkeeda munaasabadda 51 guurada ka soo wareegatay Maalinta Qarannimada dalkaasi oo ku beegan maanta oo ah 18 November, waxa aan u rajaynaynaa nabadgelyo , badqab, horukac iyo sii ambaqaadidda dib-u-curashada barakaysan, xiriirka labo geesoodka ee labadeena dal ee walaalaha ah u dhexeeyana uu horseedo horumar iyo barwaaqo.
Dadka Soomaaliya iyo Cumaan waxaa ka dhexeeya xiriir walaalnimo qoto-dheer oo soo jireen ah oo sal adag oo leh qiyam, caadooyin iyo dhaqan wadaag”