Muqdisho (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Fedeka Soomaaliya ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐ข๐ข๐ฑ๐ข ๐๐ฆ๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta XFS ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ก๐๐ฅ๐ข๐ข๐ ayaa maanta waxa ay si wadajir ah u daah-fureen mashruuca Iskuxirka hanaanka casriga ah ee gobolka bariga Afrika (๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐๐ซ๐ง ๐๐๐ซ๐ข๐๐ ๐๐๐ ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐๐ข๐ ๐ข๐ญ๐๐ฅ ๐๐ง๐ญ๐๐ ๐ซ๐๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐๐ซ๐จ๐ฃ๐๐๐ญ) kaas oo maanta Muqdisho lagu qabtay munaasabaddii lagu soo bandhigayay.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda FS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka hadlay muhiimadda uu lee yahay Mashruuca hannaanka ๐๐ก๐ข๐ฃ๐ข๐ญ๐๐ฅ๐ค๐ ah oo ahmiyad gaar ah siinaya ku biiristii Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) isagoo xusay in mashruucan uu Soomaaliya ku saacidayo inay ka faa’iideysato ururka ay xubinta ka tahay, iyadoo la jaanqaadaysa Tiknolojiyadda casriga ah.