Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa si adag uย cambaareeyay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi.
“Waxaan si xoogan u cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay Abudubay, anigoo ku hadlaya magaca dowladda FS, waxaan tacsi u dirayaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda, falalka argagixisanimadu waxay khatar weyn ku yihiin amniga gobolka” ayuu yiri mudane Cabdisiciid.