Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ammar ku bixiyay in la xiro dhammaan Hoteellada iyo Maqaayadaha ka furan Xeebta Liido, ka dib shir Todobaadle ah oo Xalay lagu qabtay xarunta Degmada Shangaanni.
Mudane. Cumar Filish ayaa tallaabadan ku macneeyay mid qayb ka ah dedaallada ay ugu jiraan ka hortagga faafidda Cudurka Corona Virus, isaga oo Bulshada faray in ay u hoggaansamaan farriimaha wacyi-gelinta ah ee kaga imaanaya Wasaaradda caafimaadka iyo Dowladda hoose ee Xamar.
Kulankan oo uu Ajandahiisu ahaa ka hortagga Cudurka Covid-19, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee abaabulka iyo ย wacyigelinta, iyadoo halkaasi lagu gorfeeyay in si wada jir ah looga gaashaamanto faafidda Cudurka Corona Virus.