Muqdisho-(SONNA)-Wasiirrada qorsheynta iyo biyaha ee dowlad goboleedka Hir-shabeelle oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda qorsheyta XFS iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay mashruuc biya xireen ah oo laga hirgelinayo degaanka Hela kaliyo ee duleedka magaalada Beledweyne.
Mashruucan fulintiisa ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Hirshabeelle ka gacan siinaya dowladda Norway oo bixineysa kharashka ku baxaya.
Mashruucan biya xireenka ah ee lagaga hortagayo fatahaadda webiga Shabeelle ee soo laalaabatay ayaa ka mid ah mashaariic horumarineed oo ka socda gobolka Hiiraan.