Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo daahfuray Geeddi-socod Wadashaqeyn ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo daahfuray Geeddi-socod Wadashaqeyn ah
GudahaSiyaasaddaWararka

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo daahfuray Geeddi-socod Wadashaqeyn ah

By Kanaava Mohamed
Last updated: May 2, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-–Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta daahfuray Geeddi-socod Wadashaqayneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex mara labada sano ee soo socota.

Geeddisocodkan oo ka dhashay dadaallo heerkoodu sarreeyo iyo wadaxaajood farsamo oo bilihii la soo dhaafay dhex marayey Muqdisho iyo Brussels, ayaa waxaa looga golleeyahay in dhidibada loogu aaso xiriir ku dhisan iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhexmara labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey daah-furka ayaa bogaadiyay tallaabadan taariikhiga ah, isaga oo muujiyay ahmiyadda uu ku fadhiyo dadaalkan lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

“Qorshahan wadashaqaynta ah ee maanta la daahfuray wuxuu jidka u falayaa xiriir cusub, wuxuuna caddeyn u yahay sida ay inooga go’an tahay inaan iskaashigan uga faa’iideysano si waxtar u leh shacabkeenna, islamarkaana la xaqiijiyo in faa’iidadiisu gaarto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Midowga Yurub waa saaxiib la isku halleyn karo oo aan la leenahay iskaashi dhow, waxaana hubaa in Geeddisocodkan Wadashaqayneed uu horseedi doono horumar ballaaran oo laga gaaro arrimaha muhiimka u ah dowlad dhiska, amniga, nabadgelyada, koboca dhaqaalaha iyo daadajinta adeegyada dowladda”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Mr. Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay saxiixa Geeddisocodka Wadashaqaynta ee dhexmaray Soomaaliya iyo Midowga Yurub, wuxuuna Dowladda Federaalka ku ammaanay guulaha ay ka gaartey nabaddeynta iyo horumarinta dalka, si shacabka Soomaaliyeed ugu tillaabsado nabad waarta iyo baraaro.

“Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay jaal ahaayeen muddo dheer iyada oo hannaankan loo dhan yahay ee lagu qeexay arrimaha hortabinta u leh labada dhinac uu tusaale u yahay in iskaashigeennu miradhal noqonayo. Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay iska kaashanayaan suurtogelinta nabad waarta, amni iyo horumar iyada oo la raacayo nidaam ku saleysan qawaaniinta caalamiga ah”, ayuu yiri Mr. Fontelles.

Lifaaqa 1

Geeddi-socodka maanta la daahfuray ayaa qeexaya Saddex aag oo ay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ka wada-shaqeynayaan Labada sano ee soo socota. Waxaana gundhig u ah;

1. Hirgelinta siyaasad loo dhan yahay iyo hannaan dimuqraadi ah:

a) Hannaanka dowlad-dhiska iyo taabbagelinta degenaansho siyaasadeed

b) Hufista iyo heshiis laga gaaro hannaanka garsoorka dalka

c) Qaybsiga awooddaha iyo khayraadka

d) Hirgelinta hannaanka federaalka iyo doorashooyinka

e) Qabyotirka dastuurka, si waafaqsan muddada dowladdu u qabsatay ee 2024

f) Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo ah meesha loogu laabanayo xallinta khilaafaadka.

2. Sugidda amniga iyo xasillinta dalka, sida:

a) In Soomaaliya ay hanato mas’uuliyadda amnigeeda( bad iyo berri) si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka, taas oo suurtagelin karta maalgelin toos ah.

b) Dhammeystirka hannaanka dib-u-dhiska ciidammada qalabka sida, iyada oo loo marayo heshiisyadii dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

c) Xoojinta kaalinta Midowga Yurub ee tayeynta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.

d) Meelmarinta qaraarka Golaha Ammaanka 2628 (2022) iyo xaqiijinta in xilliga kala guurka ay si habsami leh amniga dalka ula kala wareegayaan Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

3. Horumarinta Dhaqaalaha Bulshada

a) Soo afjarista go’doonka dhaqaale ee Soomaaliya muddada ku jirtey.

b) Kordhinta dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda.

c) Ka caawinta Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada sidii adeegga hufan loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

d) Abuurista jawi iyo sharuuc dhiirrigelinaya in maalgashi lagu sameysto dalka.

e) Xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

f) Xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo fududeeyo isku-xirka hawlaha ganacsi ee dalka iyo dibedda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka xoogga oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Hiiraan+Sawirro

Baladweyne-(SONNA)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay kaabayaan Millitariga AMISOM ayaa howlgallo lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab ka fuliyay degaanno hoos taga…

GudahaWararka
December 1, 2021

Wasiirka shaqada XFS oo kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka socotay hey’adda UNICEF

Mqudisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimana Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa maanta kulan miro…

GudahaWararka
July 21, 2024

Amiirka Qatar oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya

Dooxa (SONNA):- Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani  ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya…

CaalamkaGudahaWararka
December 4, 2023

Howlgal lagu qaarajiyay horjoogayaal ka tirsan Kooxda Khawaariijta oo ka dhacay Galgaduud

Muqdisho(SONNA):-Howlgal gaar ah oo ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ay ka sameeyeen deegannada Ceel Qansax &…

Wararka
April 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023