Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa goโaamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo sedddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan Talaadadii ka soo baxay golahaasi. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta Shaqsiyaadka ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.
Bayaanku waxa uu intaa ku daray in kuwa la cunaqabateeyay loo diidi doono in ay helaan lacag, isla markaana lagu soo rogi doonoย xayiraad dhanka socdaalka ah.
Ergada Joogtada ah ee Ingiriiska (UK) u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii la soo dhaafay sheegtay in goโaankan uu yimid kadib codsiyo uga yimid Soomaaliya. โAl-Shabaab waa Argagixiso rabshado badan wata, oo masโuul ka ah dhimashada Dadka rayidka ah, howl-wadeennada, Shaqaalaha gargaarka iyo Suxufiyiinta, waana in lala xisaabtamo,โ ayaa lagu yiri bayaankaasi ka soo baxay Golaha ammaanb ka ee Qaramada Midoobay.
Seddexda Nin ee lagu daray liiska cunaqabateynta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kala ah:-
1-Abdukadir Mohamed Abdukadirย oo ahaa Hogamiyaha sare oo Al-Shabaab ah.
2- Mohamedย Mire oo khawaarijta u qaabilsanaa ururinta Zakada;
3- Mohamedย Cumar Mohamedย oo haa waaliga kooxda Al-Shabaab ee Diinsoor
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad loo doortay talada dalka ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqayย in dagaal adag lala galo kooxaha khawaarijta, isla markaana laga ciribtiro gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo loo marayo waddo kasta ee lagula dagaalami karo.
Shaqsiyaad badan ayaa hore loo saaray xayiraad dhaqdhaqaaqa xisaaboodka iyo kuwo lacag Malaayiin doolar ah la saaray Madaxooda, taasi oo wax weyn ka tartay dhaqdhaqaaqooda dhinacyada Maaliyadeed iyo mid Shaqsiyadeedba intaba.
Dadka taxliiliya arrimah ammaanka ayaa qabay in โGolaha Amaanka oo loo gudbiyay warbixin la xiriirta Horjoogayaasha Saameynta ku leh howlgalada kooxda Argagixisada Shababka ay tahay talaabo barbar socota Nidaamka Istraateejiyada dagaalka lagu jiro kooxda Kjawaarijta ah ee Alshabaab, iyadoo la sheegayo in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay diyaarisay qorshe Ciidaan ahaan awoodooda loo wiiqo iyo Fekir ahaan iyo waliba dhaqaale ahaanโ.
Warbixino Sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in Horjoogayaasha Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir (Ikrama) oo horey loo sheegay in duqeyn lagu dilay iyo Horjooge Maxamed Maxamuud Mire oo lagu wada eedeeyay Maalgelinta, Qorsheynta Howlgelinta, diyaarinta ama fulinta falal lidi ku ah Amaanka iyo xasilinta Dalka, iyagoo kaashanaaya Horgalada iyo Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijhta ah ee Shababka, waxaana la sheegaya in qaarkood ay heystaan Baasaboorro dalalka aannu deriska nahay.
Soomaaliya ayaa muddo la soo dagaalameysay Argatileyada Xag-jirnimada ee rabshadaha wata, iyadoo la odorasaayo in marka la gaaro bilowga Sanadka soo socda ay kooxaha Argagixisadu lumin doonaan degaano badan, โwaase hadii ay Dowladu la timaado qorshe cad oo aan ku dhisneyn fudeyd iyo laab kac, iyadoo maanka lagu hayo casharadii laga bartay Howlgalka Wejigiisa 1-aad.
Dhinaca kale Warbixin Sirdoon ayaa xaqiijineysa in Kooxda Argagixisada ee Islamic State โISISโ ay muddo 12-sano ah shaqaaleysiinaayeen Dhallinyarada Shaqo laโaanta ku heysa Degaannada ku teedsan Xeebaha iyo Qeybaha kale, tallabadaan oo sare u qaaday inay kooxdani ay unugyo ku yeelato Dalalka Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Somalia.
Wararka ayaa sheegaya in Dacwad Oogaha Kenya uu Garsoorka Dalkaasi horgeeyay Eedeysane oo lagu magacaabo Mohamed Abdi Ali, alias Abu Fidaa ama Abu Shuhadaa, kaasoo Kooxda Islamic State (ISIS) u qaabilsanaa Qorista Dhallinyarada Kenyan ah gudaha Dalkaasi iyo Xabsiyada, waxaana la qabtay sanadkii 2016-kii, ilaa haatana xukun suge ku ahaa Xabsiga, ayaa lagu xukumay 12-sano oo xariga ah.
Xeer ilaaliyaha ayaa Horjoogahaan Maxkamada weydistay in lagu xukumo 90-sano oo xariga ah kadib Eedaha culus ee lagu Oogay Dambiilahaan, Dalalka Kenya & Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxay dagaalo kula jiraan kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab, kuwaasoo degaano badan oo dalalkaasi ay maamulaan, isla markaasna Baad ka qaadaan Ganacsatada iyo Shirkadaha, si ay ugu maalgashtaan Howlahooda Argagixisada.
Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo kooxaha Argagixisada ah ayaa sheegaya in in ka badan 20 Khawaarij ah oo ay ku jiraan seddex horjooge ayaa lagu laayay tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Caalmadow ee deegaannada Puntland. Howlgalka ayaa lagu bar-tilmaameedsaday Xero ay Maleeshiyaadka Khawaarijta ah isku aruursanayeen, taasi oo ku taalla buuraha Caalmadow, waxaana halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen Shacabka ku nool deegaannada Puntland.
Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed soo saartay ayaa ku sheegtay in Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ay muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuraleyda ah ee Puntland.
Masuul ka tirsan dowladda ayaa yiri โDowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxay ku guulaysteen inay ka hortagaan dhagarro badan oo cadowgu diyaarinayeen, waxaana dowladda ka goโan dhamaystirka Argagixisada, si dadkeenu ugu noolaadaan nabad iyo barwaaqo iyo Deegaan ka caagan Argagixsinimoโ.