Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Dowladda oo shaacisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Dowladda oo shaacisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan
Wararka

Dowladda oo shaacisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 23, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, bulshada kuwaaada wax heysatana looga baahanyahay inay is caawiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Sheekh Maxamuud Cabdi Baari ayaa sheegay in tan iyo maqribkii caawa ay u joogeen istuudiyaha Radio Muqdisho xaqiijinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo isna bulshada kala la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in culimada iyo Madaxda Wasaaradda Diinta ay iska kaashadeen raadinta bisha barakeysan, waxaana uu shacabka  ugu baaqay inay ka faa’iideystaan bilashada bisha Ramadaan, ganacsataduna ay shacabka u dhibriyaan.

Sheekh Cali Wajiis oo ah lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Diinta ayaa sheegay in mowduuca la isugu yimid ay tahay in la sugo bilashada bisha Ramadaan, isla markaana dadaal badan lagu bixiyay sidii arrintaasi loo xaqiijin lahaa.

Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in qeybo badan oo dalka ka mid ah laga arkay bilashada bisha Ramadaan, isagoo intaa ku daray inay xiriiro la sameeyeen culimaa’udiin Soomaaliyeed, maalinta berita ahna ay tahay maalin soon.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Cumar Cabdicasiis Faaruuq ayaa sheegay in maqrabkii ilaa iyo hadda la wacayay gobolo kala duwan oo dalka ka mid ah, isagoo xaqiijiyay in beri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan kaddib xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen culimaa’udiin badan.

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan Ramadaan oo ku aadan beri oo Jimco ah, waxaana uu ganacsatada ugu baaqay inay afuriyaan walaalahood aan waxba heysan.

“Ganacsatada waxaan ka codsaneynaa inay isu gar gaaraan oo ay gacan siiyaan shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan, waxaan rabnaa in gebi ahaanba la xiro goobaha shaaha lagu cabi jiray iyo maqaayadaha xilliyada maalintii la canteen jiray, Alle ha naga dulqaado dhibaatada cudurka, Ramadankan kiisa kale Alle ha nagu gaarsiiyo bash bash iyo Barwaaqo” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya.

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gaaray Cadaado

Cadaado (SONNA)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Maxamed Xasan “Xijaar” iyo wafdi saraakiil sare ah oo uu hoggaaminayo, ayaa…

Wararka
October 28, 2020

Guddoomiyaha SoDMA oo guddoomiyay shir ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay QM iyo midowga  Yurub

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa guddoomiyey shir gaar ah oo ay yesheen qabanqaabiyeyaasha shirka lagu soo…

GudahaWararka
June 9, 2024

Shir looga hadlayo arrimaha Deyn cafinta Soomaaliya oo ka socda Addis-ababa

Addis-ababa (SONNA)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya…

Wararka
September 12, 2019

Puntalnd: Dhaqaatiir loo diray gobolka Sool

Garoowe -(SONNA)-  Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhaqaatiir kala duwan waxaa ay u dirtey  deegaanka Saaxdheer ee Koonfurta gobolka…

Wararka
January 6, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023