Dhuusamareeb (SONNA): Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS ayaa mar kale ku celisay digniin ku aadan faafinta dicaayadda Khawaarijta oo jab badani ka soo gaaray furimaha dagaalka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa si adag uga hadlay dadka faafinaya fariimaha marin habaabinta ah ee ku saabsan dagaalka dowladdu kula jirto Khawaarijta, isagoo xusay in dadkaas qaarkood ay si ula kac ahu faafinayaan dicaayadda argagixisada, taas oo uu ku tilmaamay fal dambiyeed dowladdu kula xisaabtamayso cid walba oo ku kacda.
Dhinaca kale wasiir Al-cadaala ayaa xusay in hawlgalka Khawaarijta looga sifaynayo Galmudug uusan waxba iska badalin, islamarkaana uu ku socdo sidii dowladdu u qorsheysay.
Waxa uu ugu hambalyeeyey ciidanka xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo ciidamada deegaankaba guulaha waaweyn ee ay todobaadyadii ugu dambeeyey ka soo hooyeen furimaha dagaalka.