Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya ugu digtay in lala shaqeeyo ama lala macaamilo kooxaha khawaarijta.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS ayaa sidoo kale looga digay hay’aduhu in aysan argagixisadu u fududeyn adeegyadooda, loona hoggaansamin awaamiirtooda, dhaqaalana loogu yaboohin.