Washington-DC-(SONNA)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ururrada iyo waddamada ay bah wadaagta yihiin kala shaqeyneyso sidii loo burin lahaa heshiiska sharci darrada ah ee ay dowlada Itoobiya la gashay maamulka gobollada waqooyi ee Soomaaliya.
Madaxa warfaafinta guddiga amniga qaranka Mareykanka, John Kirby ayaa tilmaamay sida marar badan ay ku celceliyeen in dowladda Mareykanku ay taageersan tahay madax bannaanida iyo qarnimada dhuleed ee Soomaaliya ayna tahay in la xushmeeyo.
Dowladda Maraykanka ayaa ku cel-celisay in heshiis ku sheegga maamulka Hargeysa iyo Abiy Axmed uu yahay sharci darro, waxayna Washington sheegtay in aysan oggolaan doonin wixii liddi ku ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya.