Muqdisho(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM way ka warhayaan sheegashada saxaafadda qaar oo taageero u ah Al-Shabaab ee ku andacoonaya in shacab wax ku noqdeen weerarkii cirka ahaa ee lala beegsaday Al-Shabaab meel u dhaw magaalada Jammaame gobalka Jubbada hoose,10kii Abriil, 2020.
Eedaymahaasi waa been aan waxba ka jirin oo la nooc ah kuwa ay fidiyaan xagjirka Al-Shabaab. Xubnaha Al-Shabaab ee lala beegsaday duqeynta ayaa ahaa isla kuwii daqiiqado ka hor la arkayey iyaga oo foolxumeynaya meeydadka askar ka tirsan Xoogga Dalka oo ay Al-Shabaab ku dileen halkaa.
Waxa dambiga Al-Shabaab galeen kasii dhigaya mid weyn ayaa ah in ay ku qasbeen dadka tuulada Koban in ay daawadaan sida foolxumada leh ee meydka loo galayey. Kolkii ay dhameysteen Al-Shabaab falkaasi foosha xun ee ay ka baxeen tuulada ayaa weerar cirka ah lala beegsaday maadaama ay ka fogaadeen dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Weerarkan isaga ah ayaa wuxuu caddeyn u yahay saaxiibtinimda qotodadheer ee ka dhaxeysa Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka iyo sida ay xilweyn isaga saarayaan ilaalinta waxyeelo soo gaarta nolosha dadka rayidka ee halkaa ku sugan.
Ilaalinta nolosha dadka rayidka oo ay ku dadaalayaan Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowladda Mareykanka ayaa aad uga duwan Kooxda Al-Shabaab oo lagu baabiโyey goobo dagaal, sida tii looga xoreystay Jannaale bishii Maarso. Al-Shabaab kolkii ay soo wajahday guuldarrooyin is-dabajoog ah ayay ka badanwaayeen cadowtinimo ay kula kacaan shacabka iyo borobagaando been ah oo ay ku qarinayaan guuldarrooyinkooda.
Al-Shabaab, waa in ay mid ogaadaan, falalka dambiga ah ee ay ku kacayaan ee ay meydadka ku foolxumeynayaan in ay kala kulmi doonaan cawaaqibxumo iyo in caddaalada ay marsiiyeen ciidanka Xoogga Dalka ee awoodiisa sii kordhaysa oo ay la jiraan bahwadaagtooda.โ
Isha: War-Saxafadeedka Wasaaradda