Muqdisho-(SONNA)-Dowladda hoose ee Xamar ayaa caawa fulisay howla ballaaran oo biyaha looga qaadayo qaar kamid waddooyinka Caasimadda oo ay biya dhigeen Roobabkii da’ay saacadihii u danbeeyay.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kormeeray goobaha howluhaasi laga fuliyay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ka go’an tahay la tacaalidda biyaha fariista meelaha godan ee Caasimadda.
Dowladda hoose ee Xamar ayaa howlo biyo saaris ah ka qabatay goobo ay ka mid yihiin KM4 , Ceel qalow iyo xaafado ka tirsan Xamar-jajab, Wadajir iyo Waaberi, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay ay biyo dhigeen roobabkii ugu dambeeyay.