Jowhar-(SONNA)-Agaasimaha Yareynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Zahra Cabdi Maxamed oo ka mid aheyd wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Jowhar kulan kula qaatay Madaxweynaha Hirshebelle, Mudane Cali Guud-laawe Xuseen.
Kulanka ayaa looga hadlay dayactirka Kannaalka Saabuni oo qeyb ka ah hirgelinta mashruuca biyo xireenka Jowhar oo ujeeddadiisu tahay in laga hortago fatahaadda webiga iyo sidii guud ahaan xal waara loogu helo dadka barakaca ee ku nool webiga Shabeelle jiinkiisa iyo agagaarka kanaalka.
Wafdiga ayaa ka koobnaa xubno ka socda Wasaaradda Beearaha iyo Waraabka, Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, Wassaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada , Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo qaar ka mida hayโadaha Qaramada Midoobay.