Baydhabo-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiskiisa ku Qaabbilay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Xukuumada Faderaalka Soomaaliya oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Axmed Madoobe Nuunoow iyo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eeley ayaa Madaxweyne Laftagareen u sheegay in socdaalkooda uu ku qotoma Xoojinta wada shaqaynta iyo hirgelinta mashaariic kala duwan oo labada Wasaaradood ay ka hirgelinayaan guud ahaan Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ugu mahadceliyay Wasiirrada socdaalkooda Baydhabo, wuxuuna xusay in ay muhiim tahay hirgelinta mashariicda ay u baahanyihiin bulshada.