Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda Federaalka oo cambaareysay falalka gurracan ee Itoobiya ay ka waddo xuduudaha dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Federaalka oo cambaareysay falalka gurracan ee Itoobiya ay ka waddo xuduudaha dalka
GudahaWararka

Dowladda Federaalka oo cambaareysay falalka gurracan ee Itoobiya ay ka waddo xuduudaha dalka

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 8, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Dawladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad-gudubyada Dawladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay  ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaas oo xad-gudub Ku ah shuruucda caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taas oo ay wadday tan iyo isku daygeedii dhul ballaarsiga ahaa ee horaantii sanadkaan.

Kadib markii Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay Ku wiiqayso Amniga Dalka Sida, in ay Dalka kusoo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda Ku diyaariso maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata ka dibna ay usoo dirto gudaha Soomaaliya si ay colaad u huriyaan.

Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle.

Markale ayay maalintii shalay ahayd ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo Sida aan xogta Ku hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo waday Hub sharci-darro ah. Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

Ficiladaan waxeey si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin  kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrika.

Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub.

Dawladda Soomaaliya, waxay uga digaysaa shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

Dawladda Soomaaliya, waxeey markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka.

                          Halkan hoose ka akhirso warxaafadeedka Dowladda:- 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimca ah  khadka…

Gudaha
January 9, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Xoghayaha Ururka…

Gudaha
October 20, 2023

Wasaaradda Waxbarashada oo war ka soo saartay xiritaanka Imtixaanka Dugsiyada sare

WAR-SAXAAFADEED XIRITAANKA IMTIXAANKA FASALKA 12AAD EE SANNAD-DUGSIYEEDKA 2022/2023 Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha yo Taclinta Sare waxaa guul weyn u ah in…

GudahaWararka
May 31, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Muqdisho (SONNA)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ummadda Muslimiinta ah gaar…

Gudaha
April 12, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023