Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa Muqdisho ka sagootiyey wafdi uu hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Wafdigan oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayuu qorshahoodu yahay daminta dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa horay baaq nabadeed ugu soo saaray colaadda ka aloosan degmada Luuq si loo qaboojiyo xiisadda halkaasi ka aloosan.