Ceel-garas-(SONNA)-Wasiiru dowlaha Wasaaradda caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax Fiidoow ayaa Warbaahinta Qaranka uga warbixiyey xaaladda deegaannada laga xoreeyay cadowga ย iyo howlgallada socda.
Mudane, Fiidoow ayaa sheegay in deegaanka Ceel-garas ay Ciidanku ka sameeyeen baaritaanno baaxad leh, maaddaama khawaarijtu ay goobaha laga saaro ku aasaan miinooyin, si shacabku aysan waxyeello usoo gaarin.
Wasiirka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in khawaarijtu ay horay usii qafaasheen dadkii halkaasi ku noolaa si ay gabbaad ugu dhigtaan, wuxuuna ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan magaaladooda, ganacsigoodana ay dib u billaabaan.
Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax Fiidoow ayaa ballan qaaday in Ceel-garas la gaarsiin doono adeegyadii bulshada ee ay dadku u baahnaayeen, soo dhoweeyaan neecawda dowladnimada.