MUQDISHO-(SONNA)-Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Bahir Dar iyo Gondar ee ismaamulka Amxaarada itoobiya .
Madaafiicda ayeey dowladu sheegtay in ay ku dhaceen dhabaha ay diyaaraduhu ku cararaan ee garoomada halkaas oo qasaare ay u geysteen.
Ma jirto cid wax ku noqotay weerarka oo ay dowladu ku eedeysay kooxda TPLF oo ay sheegtay dowladu in ay ku jirto rafashadii ugu danbeysay.
Garoonka Magaalada Bahir Dar ee loo yaqaan Ginbot 20, waxaa uu Magaalada uu dhanka galbeed kaga beegan yahay 8KM halka Garoonka Gondar uu isna Magaalada 18-KM kaga beegan yahay dhanka koonfureed.
Dadka deegaanka Magaaloyinka Bahira iyo Gondar ee ismaamulka Amxaarada itoobiya ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo iyo wax u muuqday rasaas la is dhaafsanayo.