Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmad Maxamed Islam ayaa soo gudbiyay liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Xubnaha oo loo gudbiyay Guddiga doorashoyinka Jubbaland (SIET) ayaa ah afar kursi oo lagu tartami doono
Guddiga hirgelinta Doorashooyinka jubblanay aya Madaxweynaha uga mahadceliyay soo gudbinta liiska Musharaxiinta u tartamayo kurasta Aqalka sare Baarlamanka federalka Soomaaliya, dhinaca kale Guddiga hirgalinta doorshooyinka jubbland ayaa soo saaray Jadwalka qabashada doorashada Aqalka sare ee jubbaland oo la qabanayo 29Julay.