Muqdisho(SONNA):-Shir ay isugu yimaadeen laamaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo shir gudoominayey Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka dalka.
Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa ย digniin adag kasoo saartay la Macaamilka Argagixisada Al Shabab, Digniinta ayaa si gaar ah u quseysa odayaasha dhaqanka oo la faray in aysan wax wada shaqeyn ah la yeelan karin Al-Shabaab xilli loo diyaar garoobayo Doorashooyinka Dalka.
Sidoo kale Shirka ayaa Waxaa lagu goโaamiyey in la joogteeyo shirarka amni ee maalinlaha ah oo ay yeeshaan Hayโaddaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.