Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Soomaaliya ayaa muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daadgureeyay dalka Suudaan maanta ka soo dajisay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen masโuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Muwaadiniinta maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo tiradoodu gaareyso 18 qof ayaa laga soo daadgureeyay Xadka Sudaan uu la leeyahay dalka Koofurta Suudaan gaar ahaan Magaalada Buluja.
Ku simaha xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb, Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo Garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in diyaarad qaas ah oo ay leedaha dowladda Kenya looga soo qaaday Dalka Koofurta Suudaan.
Ku dhawaad 500 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa la filayaa in isla maanta ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaas oo dowladda Soomaaliya kasoo daadgureeyneyso dalka Suudaan oo ay ka dhaqan gashay xabbad joojin aan caga adag ku taagneyn.