Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Doorka Dhallinyaradda Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Amniga iyo xasilloonidda Dalka? (Faallo)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Doorka Dhallinyaradda Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Amniga iyo xasilloonidda Dalka? (Faallo)
GudahaMaqaallada

Doorka Dhallinyaradda Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Amniga iyo xasilloonidda Dalka? (Faallo)

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: June 25, 2024
10 Min Read
Share

Muqdisho-(Faallo)-Amniga dalkeenna Soomaaliya waxa uu muddo dheer ka mid ahaa caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dhibaatada amni ay saameyn ku yeelatay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, sida; waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan baahiyaha aas-aasiga ee nolosha oo amnigu uu saldhig u yahay, iyada oo ay sidaa tahay ayaa haddana dhallinyaradu yihiin kuwo si gaar ah ugu nugul saameynta ka dhalata xaaladaha amni darrada.

Marka laga hadlayo tiro koobka dadka Soomaalida, waxaa la sheegaa in dhallinyaradu ay 70% ka yihiin bulshada. Waa fursad fiican in tiro intaa la eg ay bulsho ka noqdaan dhallinyaro, dalal badan oo dhaca qaaradda Afrika ayaan haysan fursaddaas dahabiga ah. Waxaan dalalkaas ka xusi karnaa Uganda, Niger, Angola, Mali iyo dalal kale oo ay aad u hooseeyaan tirada dhallinyaro ee ay haystaan.

Haddaba, Soomaaliya oo haysata tiro intaa la eg oo dhallinyaro ah, leh awood iyo firfircooni dheeraad ah waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan sugidda amniga iyo nabadeynta. Qormadan waxay diiradda saaraysaa doorka muhiimka ah ee dhallinyarada ay ku yeelan karaan sugidda amniga dalka, iyadoo la eegayo tusaalooyin hore iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo dhiirrigelin lahaa ka qeybqaadashadooda siyaasadda iyo sugidda amniga.

Faalladaan waxay sidoo kale sahminaysaa baahida loo qabo in dhallinyarada Soomaaliyeed la siiyo fursado ay kaalintooda ku muujiyaan, kagana qeybqaataan nabad-dhisidda iyo matalaadda sare ee siyaasadda. Waxay sidoo kale qormadu iftiiminaysaa sida looga faa’iideysan karo awoodda ay dhallinyaradu leeyihiin, sida ay ula shaqeyn karaan hay’adaha amniga iyo in ay kaalin muuqata ka qaataan howlaha kala duwan ee bulshada.

ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  Taariikhda Doorka Dhallinyarada ee Amniga Dalka.

Waxaa dhigaallo hore ku xusan dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed kuwaa oo kaalimo muhiim ah ka qaatay sugidda amniga dalka. Tusaale ahaan, intii lagu jiray dagaalladii sokeeye, ururrada dhallinyarada ee maxalliga ah ayaa qaarkood ku guuleystay inay sameeyaan barnaamijyo nabadeyn ah oo sababay in nabadgelyo iyo xasillooni lagu wada noolaado deegaannadooda.

Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa magaalada Gaalkacyo oo aan ognahay heerka ay colaaddu gaartay, boqolaal qofood ayaa ku nafwaayay muddadii ay dagaallada sokeeye ka socdeen Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, ujeedkeennu ma aha in aan ka sheekeyno wixii ka dhacay Gaalkacyo ee waa in aan caddeyno doorkii ay dhallinyarada laba dhinac ku lahaayeen nabadeynta magaalada Gaalkacyo, waxay ku guuleysteen in magaalada oo in muddo ah kala xirneed oo aan la isaga gooshi karin, in nabad iyo xasillooni la helo, illaa markii dambe ay qabteen madal ay ugu magacdareen โ€œBandhigga Nabadda iyo Buugaagta Gaalkacyoโ€ oo tiro saddex jeer ka badan lagu qabtay Gaalkacyo. Dhallinyaradaas is xilqaamay ee buuxiyay kaalintaas iyo kuwa la midka ah ee nabadda ka dhaliyay deegaannada kale ee Soomaalida waxay tusaale u yihiin bulsada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa kale oo xusid mudan ururkii dhallinyarada ee Xamar Weyne oo iyaguna si firfircoon uga qeybqaatay dadaallo lagu xasilinayay xaafadaha Muqdisho xilliyadii ay Xamar kala xirneed, iyagoo sameeyay barnaamijyo abuuray is-dhexgal bulsho iyo nabadeyn lagu soo gaaray heerka aan maanta joogno.

ย  ย  ย  ย  ย  ย  Xasilloonida Siyaasadeed Iyo Ka Qeybqaadashada Dhallinyarada

Waxaa laga maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay helaan fursado ay kaga qeybqaataan siyaasadda dalka, si ay u noqdaan cod firfircoon oo saameyn ku leh go’aannada masiiriga ah. Dhallinyarada waxay yeelan karaan ururro siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin, waxayna sidoo kale ku biiri karaan ururrada jira ee siyaasadda si ay u xaqiijiyaan in codkooda la maqlo.

Xoogga dhallinyarada oo la mideeyo ayaa looga guuleysan karaa fekerka xagjirnimada oo waqtigaan ah kan ugu daran ee dalkeenna qarribay, si loo helo barnaamijyo wacyigelin iyo waxbarasho ka saafi ah aragtiyo xagjirnimo waxaana ay taasi ku imaan kartaa in la helo manhaj aan dalal kale laga soo guurin oo si qumman uga hadlaya nolosha iyo wacyiga bulshada.

Waxaa la ogaaday in xagjirnimada ay si gaar ah u saameyso dhallinyarada, iyadoo kooxaha nabad-diidka ah ee aragtiada ku dagaallama ay si fudud u bartilmaameedsadaan dhallinyarada, iyaga oo uga faa’iideysta duruufo dhaqaale ama ka iibiya aragti qofka ku hoggaaminaysa mustaqbal mugdi ah.

Si looga hortago arrintan, waxaa muhiim ah in la sameeyo barnaamijyo wacyigelin ah oo dhallinyarada lagu barayo khataraha xagjirnimada, faa’iidooyinka nabadda iyo wadajirka bulshada. Tusaale ahaan, barnaamijka “Youth Against Violence” ee ay hirgeliyeen hay’ado maxalli ah ayaa ku guuleystay inay hoos u dhigaan heerka xagjirnimada ee dhallinyaro badan, iyagoo adeegsaday tababaro iyo wacyigelin joogto ah.

Dhallinyaradu waxa ay sidoo kale kaalin muuqata ka qaadan karaan la dagaalanka burcadda iyo kooxaha hubeysan ee dhibaatada ku haya deegaanadooda. Tusaale ahaan, dhallinyarada Boosaaso ayaa sameystay kooxo iskaa wax u qabso ah oo ka hortaga burcadda xeebaha, iyagoo la shaqeynaya hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka. Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka jirtay nabad la mahadiyay, isla markaana ay yaraadeen dilalkii qorsheysnaa ee kooxaha bustooladaha ku hubeysan ay geysan jireen waxay khuburada amnigu qabaan in ay keentay dhallinyaro badan oo laga qoray hey’adaha amniga, gaar ahaan NISA, waliba inta badan dhallinyarada laga qoray xaafadaha ay degganaayeen, maaddaama ay fahmi karaan cidda ku cusub deegaanka iyo midka dool ku ah.

Waxa jira maqaallo hore looga qoray doorka dhallinyarada ee sugidda amniga dalka oo aad ka heli karto fikrado iyo tusaalooyin waxtar leh, anna igu dhiirrigeliyay in aan wax ka qoro fursadaha horyaalla dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa ka mid ah qoraalladaas: “Youth as Agents of Peace: Somalia” โ€“ oo uu soo saaray Bangiga Adduunka, wuxuuna diiradda ku saarayaa sida dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muhiim ah uga ciyaari karaan nabadeynta iyo amniga dalka. Sidoo kale, “Shaping Peace Together: Somali Youth as Change-Makers” โ€“ ayaa ka mid ah oo lagu xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka kooban yihiin 70% bulshada, taas oo ka dhigeysa laf-dhabarta bulshada.

Talooyin Guud:

Amniga waxaa qeyb weyn ka qaata xog hufan oo la siiyo ciidamada ammaanka. Waxaa la dhahaa xogtu waa awood (Information is power) oo lagala jeedo xog in la helo ayaa ah awoodda amni. Soomaalidu waxay dhahaan โ€œWar helaa, talo helaโ€. Wax kasta xogta ayaa u ah dhabbaha koowaad ee la qaado, dhallinyarada ayaana doorkaas ka qaadan kara qeyb lixaad leh. Waxaa muhiim ah in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya dhallinyarada iyo hay’adaha kala duwan ee amniga, si ay u wada shaqeeyaan. Tusaale ahaan, in la sameeyo guddi isugu jira dhallinyarada iyo saraakiisha amniga oo si wadajir ah uga shaqeeya sugidda amniga magaalo kasta.

Talo soo jeedintaan kaliya diiradda ma saarayso in dhallinyaradu ay xog oo kaliya ku kaabaan ciidanka, ee xitaa waxaan soo jeedinayaa in ay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka oo ay hiil iyo hoo ku taageeraan, sababtoo ah meel aan dhallinyaro ku jirin lagama filanayo natiijo wax ku ool ah oo lagu faani karo. Sidoo kale dhallinyarada kaxaysa bajaajta waa in ay helaan fursado ay ku gudbin karaan dhacdooyinka amniga quseeya oo ay la kulmaan, maaddama ay markasta ka dhex shaqeeyaan bulshada, waxaa kale oo muhiim ah in la kordhiyo tirada gabdhaha sirdoonka ka shaqeeya.

Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara sirdoonka iyo amniga dalka. Iyadoo la og yahay in gabdhaha ay awood gaar ah u leeyihiin inay si fudud ugu dhex milmaan bulshada, waxay ka shaqeyn karaan meelaha ay haweenku u badan yihiin sida isbitaalada, maqaayadaha, iyo xarumaha bulshada, taas oo suurta gelinaysa inay helaan xogo muhiim ah oo la xiriira amniga.

Ugu dambeyn, waxaa laga maarmaan ah, xalna u noqonaysa amnidarro ka timaada dhallinyarada, in la hergeliyo barnaamijyo fursado shaqo u abuura dhallinyarada. Si looga hortago in dhallinyarada ay ku biiraan kooxaha hubeysan ama xagjirka ah, waa in la abuuro fursado shaqo iyo horumarineed oo ay ka faa’iideysan karaan dhallinyaradu.

 

Jacfar Maxamed

Jacfarmohamed02@gmail.com

Twitter @Jacfar252

June 25, 2024

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maareeyaha NIRA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu baxay Filibiin

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda NIRA, Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa booqasho shaqo ku jooga dalka Filibbiin si…

GudahaWararka
June 13, 2025

Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP#248 ee Golaha Shacabka

Dhuusamareeb (SONNA) โ€“ Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP#248 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka…

GudahaWararka
August 25, 2025

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ku sugan dalka Ciraaq ayaa booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha…

GudahaWararka
January 14, 2025

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka socda deegaanka Aboorreey ee gobolka Hiiraan

Buulo-burte-(SONNA)-Ciidamada deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar culus ku qaaday deegaanka Aboorreey oo hoos taga degmada Buuloburde, halkaas oo…

GudahaWararka
May 21, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023