Muqdisho(SONNA):- Warbaahinta dowladda ayaa kaalin weyn ka qaadatay jabinta maleeshiyaadka Khawaarijta ah,ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa weeraro joogto ah ku ekeeyet goobihii ay gacanta ku hayeen kooxaha khawaariijta halkaas oo ay kasoo hoyeen guul wax ku ool ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay ololihiisa doorashada bisha May ee sanadka 2022-ka, ciribtirka kooxaha xagjirka ah, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjari doono.
Runtii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa toddobaadyo kadib markii la doortay bilaabay olole ballaaran oo ciidan, waxaana ciidanka oo kaashanaya kuwa dib xoraynta ay dib u bilaabeen howlgallada dagaal ee ka dhanka ah haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta, taasoo keentay in dib loo xoreeyo 92 magaalo oo ka tirsan maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.
Howlgalladan milateri ayaa sidoo kale sababay in lagu dilay ilaa 3,000 oo xubno argagixiso ah oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo ku dhawaad 300 oo kalena ay isu soo dhiibeen ciidamada qalabka sida ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.
Marka la eego tebinta dagaalka lagula jiro argagixisada, Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Telefishinka Qaranka, Radio Muqdisho, Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida, iyo Wargeysyada dalka ayaa xoojiyay warbixinadooda maalinlaha ah, si ay u tabiyaan dagaallada socda ee lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadku Khawaariijta.
Waxaa la daah furay barnaamij maalinle ah oo loogu magac daray โDIIRADA MAANTAโ, barnaamijkaas oo iftiiminaya xadgudubyada argagixisada iyo jabkooda, soona bandhigaya dhaqamada foosha xun ee ay kula kacayaan carruurta, hooyooyinka iyo dadka daโda ah, iyadoo barnaamijkan uu noqday mid si weyn u xiiseeyaan dhammaan akhristayaasha, dhageystayaal. , iyo daawadayaasha.
Warbaahinta qaranka ayaa soo bandhigtay sheekooyin badan oo argagax leh, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin weerarrada argagixisada, sida askaraynta carruurta, gowraca qaar ka mid ah muโadiniinta iyo wadaaddada, masaajidda la dumiyo, goobo lagu xifdiyo Qurโaanka kariimka ah, xidhitaanka dugsiyada iyo xarumaha caafimaadka, afduub, dhac Dhul-beereedka,xoolaha,iyo hantida dadka deegaanka,iyo kufsiga loo geysto haweenka.
Warbaahinta Qaranka ayaa adeegsata warar kala duwan oo ay ku xoojineyso wararka ciidamada qaranka oo burburinaya buulasha argagixisada ee jiidaha hore ee dagaalada koonfurta iyo bartamaha dalka.
Warbaahinta Qaranku waxay safka hore ee dagaalka kasoo tebisay guullaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxa khawaariijta iyadoo wariyeyaasha qaranka qaarkood kusoo dhaawacmeen furimaha dagaalka kuwaas oo uu ka mid yahay wariye khaalid Muxammed Cismaa ” Ilkacase” oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay โMaxasโ oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay xirtay boqollaal xisaabaad oo warbaahineed oo ku jiray in ka badan 600 bog oo warbaahin danabeed ah oo ay lahaayeen kooxaha khawaariijta.