Jowhar (SONNA)- Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka 2-aad ee dawlad goboleedka Hirshabeelle iyo labadiisa ku xigeen.
Musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle iyo ku xigeennadiisa oo gaaraya illaa lix ayaa magacyadoodu waxey kala yihiin:
- Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.
- 2: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya xilka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle
- Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan iyo Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Musharixiintan ayaa shalay khudbadahooda ka jeediyey baarlamaanka, si ay u soo bandhigaan qorshe hawleedkooda hoggaamineed.
Ciidamada ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay amniga magaalada Jowhar, waxaana laga dareemayaa qaban qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka.