Muqdisho (SONNA)- Waxaa maanta ku soo xirtey Dekedda Hobyo Doonni ganacsi oo u rarnayd ganacsato reer Galmudug ah, taasi oo sidey xamuul iskugu jira Gawaari, Shidaal, cunooyin kala duwan iyo qalab dhismo ayaa waxaa dhammaantood lagu dejiyey iyada oo la isticmaalayo shactaro, wishash iyo agab kale oo loogu talo-galay howl-gelinta Dekedda KMG-ka ah.
Doonidan ganacsi ayaa waxa ay bilaw u ahayd qorshihii howlgelinta Dekadda KMG-ka inta laga gaarayo dhismaha Dekadda Casriga ah oo aan rajaynayno in ay bilaabato bilawga sanadka soo socda Insha Allah.
wasiirka dekadaha iyo kaluumeysiga Galmudug Cabdisabir shuuriye oo saxaafada la hadlay ayaa yiri
Waxa aan u mahadcelinayaa ganacsatada Shirkadda Baraarug oo aaminay Dekeddan KMG-ah kuna dhiiraday in ay hantidooda galiyaan howshan bilawga ah, waxaa aan dhinaca kale codsi u diraynaa ganacsatada kale ee reer Galmudug in ay ganacsigooda deegaanada kale qeyb ahaan u soo wareejiyaan Dekedda KMG ah ee Hobyo, annaga oo maamul ahaan ku soo dhaweynayna Adeeg Hufan iyo dhiirigelin wanaagsan