Muqdisho (SONNA)- Laba diyaaradood oo gargaar u sida magaaladda Beled-weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxana la socday wasiirka Wasaaradda boostada iyo isgarsiinta XFS mudane Cabdi Canshuur Xasan.
Gargaarkaan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la gaarsiiyo magaaladda Baled-weyne, si looga faaโiideeyo bulshada tabaaleysan ee ay saameysay fatahaadda Wabiga Shabeelle.