Muqdisho,(SONNA):-Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri sida tan:-hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ,iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah. 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa.
Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido ,waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya.
Diyaaraddan ayaa noqoneysa diyaardii labaad ee dib looga celiyo in ay ku safarto hawada Soomaaliya tan iyo markii u bilowday damaca Itoobiya ee ay ku doonayso in ay ku soo fara galiso badda Soomaaliyeed.