Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Dilkii Al-sudani maxay Soomaaliya uga dhigan tahay? (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dilkii Al-sudani maxay Soomaaliya uga dhigan tahay? (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Dilkii Al-sudani maxay Soomaaliya uga dhigan tahay? (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 28, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen Buuraleyda gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa lagu dilay Horjooge Bilaal-al-Sudani oo ahaa  hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinten tobban kale oo kooxda ka tirsanaa,warka ayaa lagu yiri” Maraykanku waxaa uu doonayey inuu qabto horjooge Bilaal balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyay falcelin”.

Qoraal uu soo saaray Xoghayaha Difaaca Dalka Mareykanka Lloyd J. Austin ,isla markaana uu kaga hadlaayey hawlgalka Somalia,ayuu ku sheegay in tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen ciidamada cirka ay muujineyso sida Mareykanka ay uga go’an tahay ilaalinta khatarta argagixisada ee gudaha iyo dibaddaba.

Shabakadda caalamiga ah Al-Sudani waxa ay mas’uul ka ahayd kobcinta joogitaanka sii kordhaya ee kooxda ISIS ee Afrika iyo maalgelinta hawlgallada kooxda ee dunida dhan, si gaar ah dalka Afgaanistaan.

Warsaxafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Difaaca dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay howlgal qorsheysan ku dileen 11 xubnood uu ka mid yahay Bilaal-al-Sudani oo ah hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

“Bishan January 25-keedii ayaa amar ka yimid Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Soomaaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, ahaana fududeeye muhiim ah oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee Daacish” ayaa lagu yiri warsaxafadeed uu soo saaray wasiirka difaaca ee Maraykanka Lloyd J. Austin III.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inuu wax khasaare ah soo gaarin ciidamadeeda, islamarkaana qorshaha howlgalka uu ahaa inay nolosha ku soo qabtaan Hoggaamiye Al-Sudani, hasa yeeshee ciidamadii la joogay hoggaamiyaha ay sameeyeen falcelin.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Sudani uu ahaa kobciyaha iyo joogitaanka sii kordhaya ee kooxda Daacish ee qaaradda Afrika iyo waliba maalgeliyaha hawlgalada kooxda ee adduunka oo dhan.

“Tallaabadani waxay kor u qaadaysa ammaanka iyo bedqabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa, waxayna ka tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan Maraykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo debeddaba.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Maraykanka, waxayna u mahaceliyeen laamaha ammaanka ee Dowladda Maraykanka, kwa sirdoonka iyo saaxiibada kale ee ka taageeray howlgalkaan lagu guuleystay.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay hawlgalkan la socodsiisay dawladda Soomaaliya, sidoo kalena la taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo ku sugan dalkan Maraykanka ayaa soo dhoweeyey hawlgalkaasi.

La taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya ayaa u sheegay VOA in dawladda Soomaaliya ay soo dhoweynayso in la ugaarsado hoggaanka sare ee kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya, isagoo sheegay inkasta oo Daacish aanay saamayn badan ku lahayn, haddana ay suuro gal tahay in khatarta ururkaasi inuu soo weynaan karo.

Ciidammada fuliyay howgalkaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa SEAL Team Six (ST6), ama  loo yaqaanno Naval Special Warfare Development Group, ciidamadani gaarka ah waxaa  loo yaqaanaa (DevGru),iyagoo  magacaasi ay caan ku ahaayeen in ka badan nus qarni, waxayna, iyadoo howlgallo gaar ah ay ka fuliyeen meelo badan oo caalamka ka mid ah, waxaana laga xulaa xubnaha ka tirsan  militariga Mareykanka isalamarkana tababar gaar ah leh, fuliyana howlgallada qarsoodiga ah.

Haddaba maxay uga dhigan tahay Soomaaliya dilka Hoggaamiyahaasi?

Waxaan dhihi karnaa ama su’aashaasi jawaabteeda la ag dhihi karaa, waxay Soomaaliya uga dhigan tahay Qodxihi ku taagnaa Soomaalida oo mid mar laga siibaayo, waxaa kaloo jira inay ay Kooxdani dooneysay inay isku sii ballaariso Soomaaliya, islamarkaana ay xoog iyo saameyn ballaaran ku yeelato,kooxda Khawaariijta Daacish ayaa marar kale duwan ka geysatay dilal iyo falal burcadnimo qaar ka mid ah gobolada Soomaliya iyadooo uu geed fadhi uga ahaa falalkaas gurracan horjoogahan la dilay,dhinac kasta marka laga eego dilka horjooge Bilaal waxay Soomaaliya uga dhigan tahay nafis iyo naruuro Nololeed,dhinaca kalena waa qayb ka mid ah  dhibkii waa ina dhaafay, waxaana socda howlgallo lagula dagaalamayo dhammaan kooxha Argagixisada ah magaceey rabaan ha wateene.

 

Diyaariye C/laahi Ruush

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Cadaaladda ee XFS oo gaaray magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qeyb…

GudahaWararka
October 15, 2023

Madaxda Ganacsiga XFS”Dowladda waxaa ka go’an in dalka laga hirgaliyo mashaariiic wax ku ool ah

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Cismaan Daallo oo ka qeybgalay barnaamijka todobaadka warbaahinta ayaa sheegay in ay socdaan…

Gudaha
January 17, 2025

Kulan Ku Saabsan Baraarujinta Waalidka Oo Lagu Qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)- Kulankan oo ay soo agaasinta Xaruunta Guryosamo oo ka shaqeysta horumarinta qoyska ayaa diiradda lagu saaray sidii waalidiinta…

Wararka
August 26, 2020

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu khaarajiyay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay

Baydhabo(SONNA):-Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa saakay jab xooggan gaarsiiyay khawaarijta, kadib weerar khawaarijta ku soo qaadeen fariisimo…

GudahaWararka
April 17, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023