Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda
    January 31, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 30, 2026
    Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya
    January 30, 2026
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dilkii Al-sudani maxay Soomaaliya uga dhigan tahay? (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dilkii Al-sudani maxay Soomaaliya uga dhigan tahay? (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Dilkii Al-sudani maxay Soomaaliya uga dhigan tahay? (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 28, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen Buuraleyda gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa lagu dilay Horjooge Bilaal-al-Sudani oo ahaaย  hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinten tobban kale oo kooxda ka tirsanaa,warka ayaa lagu yiriโ€ Maraykanku waxaa uu doonayey inuu qabto horjooge Bilaal balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyay falcelinโ€.

Qoraal uu soo saaray Xoghayaha Difaaca Dalka Mareykanka Lloyd J. Austin ,isla markaana uu kaga hadlaayey hawlgalka Somalia,ayuu ku sheegay in tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen ciidamada cirka ay muujineyso sida Mareykanka ay uga go’an tahay ilaalinta khatarta argagixisada ee gudaha iyo dibaddaba.

Shabakadda caalamiga ah Al-Sudani waxa ay masโ€™uul ka ahayd kobcinta joogitaanka sii kordhaya ee kooxda ISIS ee Afrika iyo maalgelinta hawlgallada kooxda ee dunida dhan, si gaar ah dalka Afgaanistaan.

Warsaxafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Difaaca dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay howlgal qorsheysan ku dileen 11 xubnood uu ka mid yahay Bilaal-al-Sudani oo ah hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

“Bishan January 25-keedii ayaa amar ka yimid Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Soomaaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, ahaana fududeeye muhiim ah oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee Daacishโ€ ayaa lagu yiri warsaxafadeed uu soo saaray wasiirka difaaca ee Maraykanka Lloyd J. Austin III.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inuu wax khasaare ah soo gaarin ciidamadeeda, islamarkaana qorshaha howlgalka uu ahaa inay nolosha ku soo qabtaan Hoggaamiye Al-Sudani, hasa yeeshee ciidamadii la joogay hoggaamiyaha ay sameeyeen falcelin.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Sudani uu ahaa kobciyaha iyo joogitaanka sii kordhaya ee kooxda Daacish ee qaaradda Afrika iyo waliba maalgeliyaha hawlgalada kooxda ee adduunka oo dhan.

โ€œTallaabadani waxay kor u qaadaysa ammaanka iyo bedqabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa, waxayna ka tarjumaysaa sida ay nooga goโ€™an tahay in aan Maraykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo debeddaba.โ€ ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Maraykanka, waxayna u mahaceliyeen laamaha ammaanka ee Dowladda Maraykanka, kwa sirdoonka iyo saaxiibada kale ee ka taageeray howlgalkaan lagu guuleystay.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay hawlgalkan la socodsiisay dawladda Soomaaliya, sidoo kalena la taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo ku sugan dalkan Maraykanka ayaa soo dhoweeyey hawlgalkaasi.

La taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya ayaa u sheegay VOA in dawladda Soomaaliya ay soo dhoweynayso in la ugaarsado hoggaanka sare ee kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya, isagoo sheegay inkasta oo Daacish aanay saamayn badan ku lahayn, haddana ay suuro gal tahay in khatarta ururkaasi inuu soo weynaan karo.

Ciidammada fuliyay howgalkaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa SEAL Team Six (ST6), ama ย loo yaqaanno Naval Special Warfare Development Group, ciidamadani gaarka ah waxaa ย loo yaqaanaa (DevGru),iyagooย  magacaasi ay caan ku ahaayeen in ka badan nus qarni, waxayna, iyadooย howlgallo gaar ah ay ka fuliyeen meelo badan oo caalamka ka mid ah, waxaana laga xulaa xubnaha ka tirsanย  militariga Mareykanka isalamarkana tababar gaar ah leh, fuliyana howlgallada qarsoodiga ah.

Haddaba maxay uga dhigan tahay Soomaaliya dilka Hoggaamiyahaasi?

Waxaan dhihi karnaa ama suโ€™aashaasi jawaabteeda la ag dhihi karaa, waxay Soomaaliya uga dhigan tahay Qodxihi ku taagnaa Soomaalida oo mid mar laga siibaayo, waxaa kaloo jira inay ay Kooxdani dooneysay inay isku sii ballaariso Soomaaliya, islamarkaana ay xoog iyo saameyn ballaaran ku yeelato,kooxda Khawaariijta Daacish ayaa marar kale duwan ka geysatay dilal iyo falal burcadnimo qaar ka mid ah gobolada Soomaliya iyadooo uu geed fadhi uga ahaa falalkaas gurracan horjoogahan la dilay,dhinac kasta marka laga eego dilka horjooge Bilaal waxay Soomaaliya uga dhigan tahay nafis iyo naruuro Nololeed,dhinaca kalena waa qayb ka mid ahย  dhibkii waa ina dhaafay, waxaana socda howlgallo lagula dagaalamayo dhammaan kooxha Argagixisada ah magaceey rabaan ha wateene.

 

Diyaariye C/laahi Ruush

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?

Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo aad loogu garan og yahay Cabdullaahi wadaad waxa uu dhashay…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Ciraaq

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Ciraaq…

GudahaWararka
August 10, 2025

Wasiirka Amniga XFS oo tababar u soo xiray gabdho kamid ah ciidanka Boliiska

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar aqoonkororsu ah usoo xiray qaar kamoid…

Gudaha
December 18, 2025

Madaxwayne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka

Muqdisho-(SONNA)- Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay galisay arrimaha doorashada…

GudahaWararka
December 6, 2020

Wasaaradda Dastuurka oo Kulan Farsamo ka furtay Magaalada Baydhabo

Baydhabo-(SONNA)- Kulan Farsamo oo u dhexeeya Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dastuurka heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah federaaka…

SawirroWararka
December 10, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023