Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dilka, Xasuuqa, Qaraxyada iyo dhaca Bulshada, waxaa u dheer Khawaarijta beegsiga iyo burburinta goobaha cibaadada. Warbixin.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dilka, Xasuuqa, Qaraxyada iyo dhaca Bulshada, waxaa u dheer Khawaarijta beegsiga iyo burburinta goobaha cibaadada. Warbixin.
GudahaMaqaalladaWararka

Dilka, Xasuuqa, Qaraxyada iyo dhaca Bulshada, waxaa u dheer Khawaarijta beegsiga iyo burburinta goobaha cibaadada. Warbixin.

By Bile
Last updated: January 18, 2023
5 Min Read
Share

MUQDISHO-(SONNA)-kooxda argagixisada ah ee khawaarijta ee dullaanka ku soo qaadday dalka haatanna dabar go,a ku dhow ayaa laga calaameeyay ficillo iyo astaamo hor leh. khawaarijtu waxa ay ku gamban jireen diinta Islaamka, iyagoo iska dhigi jiray koox rabta xukun ku salaysan diinta islaamka oo mar walba waxaa ay ku doodi jireen inay ka soo horjeedaan qawaaniinta ka hor imaanaya shareecada ummadda Muslimiinta ah. inkastoo fahan dheer laga heystay kooxaha argagxisada ah afkaartooda iyo dhaqamadooda gurracan, haddana khawaarijtu 15 kii sano ee la soo dhaafay waxaa ay ummadda Soomaaliyeed ku marin habaabin jireen ka been abuurashada Diinta iyo shareecada Islaamka, balse waxaa ay huwanaayeen afkaaro, dhaqammo iyo ujeeddooyin ugu dambeyn soo banbaxay.

Argagixisadu marka laga yimaado ficillada gurracan oo ay kula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed ee dilka, gumaadka, qaraxyada iyo baadda ah ee ka hor imaanaya diinta islaamka waxaa u dheer beegsiga iyo burburinta goobaha cibaadada, dugsi qurโ€™aanka, goobaha tacliinta lagu barto iyo waliba xarumaha taariikhiga ah ee raad-raaca u ah diinta, dhaqanka iyo Sooyaalka ummadeed, taas oo lagu fasiray isir baabiโ€™in ama aasidda taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waxaana la fahansan yahay inay ku lug leeyihin gacmo shisheeye oo la diriraya sooyaalka ummaddan ee facaweyn.

Burburinta Raadadka Islaamka iyo baabiโ€™inta goobaha cibaadada waa sifo kamid ah sifooyinka lagu yaqaan kooxaha argagixisada ee ka jira dalal kala duwan, dagaallada qarsoon ee kooxaha Araggaxisidu ku jiraan ayaa iftiiminaya in gacmo kale ku jiraan, waana sababta loo arkayo inay burburinayaan oo ay duugayaan sooyaalka iyo goobaha cibaadada ee soo dhisnaa wax ka badan qarni iyo 3000 oo sano.

Waxaan tusaale u soo qaadaneynaa kooxda daacish markii ay Suuriya iyo Iraq ka soo shaac baxeen waxaa ay beegsi ku bilaabeen iyo inay burburiyaan dhismayaal iyo Aasaar taariikhi ah oo ay ka taageen xadaaraddii Musabataaniya iyo kuwii ka horreeyay oo gaaraya illaa Nabi Nuux sida Sooyaalka lagu dhigay.

Gaar ahaan waxaa ay burburiyeen magaalada “PALMIRA” ee Syria oo ay heyโ€™adda UNESCO u taqaan magaalada leh dunida oo dhan raadadaka ugu fog kuwaas oo aysan taaban maamuladdii iyo xukunadii kale ee ka horreeyay. khilaafadii Islaamku si lamid ah ma taaban wax Aasaar ah oo ay ugu yimaadeen dunida oo dhan sidoo kale khilaafadii Cusmaaniyiinta ayaanan burburin goob sooyaaleed oo dhisneyd, taas oo ka dhigan illaalinta taariikh dhul iyo ummadeed.

kooxda xagjirka ah ee khawaarijtu markii ugu horreysay waxaa ay faageen oo ay burburiyeen qabuurihii culimada Islaamka ee Soomaaliya keenay Diinta, iyagoo ku sheegaya shirki iyo sheeko been ah, si lamid ah beegsiga kooxdu uma kala soocnayn goob cibaado, mid Taariikheed iyo waliba waxbarasho oo dagaal safmar ah iyo baabโ€™in ayey ku hayeen si lamid ah sida ay u laayaan bulshada, waxaana laga dheehanayaa ujeedooyinka gurracan ee marinta Ummadda iyo Sooyaalkeeda.

Masaajida, dugsiyada Qurโ€™aanka iyo goobaha waxbarashada ee kale waxaa ay u beegsadaan oo ay u xiraan inaanan la fahmin marin habaabintooda iyo ka been abuurashada diinta, haddii la xiro dhammaan goobahan, waxaa ay bulshadu u nugleynaysa inay raacaan fikradaha qaldan oo ay wataan sidoo kalena waxaa adkaaneysa in bulshadu hesho aqoon maadama lagala dagaallamay dhan walba oo waxbarasho ah.

15-kii bishaan khawaarijtu waxaa ay si cad u beegsadeen masjid taariikhi ah oo ku yaal degmada Buulo Barde kaas oo la dhisay 1936-kii, dad shacab ah oo ku cibaadeysanayey, iskuna diyaarinayay salaadda duhur ayaa qaarna ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen kadib markii argagixisadu ku weerartay masjidka qaraxyo lagu soo raray gawari taas oo ka dhigan in kooxdan xagjirka ah aysan u kala soocneyn dad, duunyo iyo dhulba.

Masaajidka ugu weyn degmada Buulo Barde oo la dhisay sida Sooyaalka lagu hayo 1936-kii, waa xarun waxbarasho oo leh taariikh fog, waxaa ka soo aflaxay oo wax ku soo bartay culimo badan oo Soomaaliyeed. waqtu dheer ayuu ahaa xarun diimeed oo goboladda dalka looga soo waxbarasho doonta sida ay nala wadaagen dad waay-arag ah. Beegsiga masjidkan iyo xarun diimeed oo sidaas taariikh dheer u leh ayaa ka dhigan in kooxda uu gabalkeedu sii dhacayo ay dooneyso inay tirtirto raadraaca ummadda Soomaaliyeed. Baraarug dhan walba ah ayaa bulshadu bilawday, kacdoono iyo dagaallo dowladu hoggaamineyso oo guulo waa weyn laga gaaray ayaa dhan walba kaga furmay.

TAGGED:Dilka Xasuuqa Qaraxyada iyo dhaca Bulshada waxaa u dheer Khawaarijta beegsiga iyo burburinta goobaha cibaadada. Warbixin.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Amniga XFS oo cambaaraysay daadinta Dhiigga Dadka Soomaaliyeed ee uu sii wado Eedaysane Axmed Madoobe

Muqdisho(SONNA):-Eedaysanuhu wuxuu markale colaad ka huriyay Gobalka Gedo isaga oo Maleeshiyaad ka amar qaata faray in ay weeraraan xarumo Ciidanka…

GudahaWararka
July 25, 2025

Dadka Gaza oo wajahaya xaaladihii ugu darnaa ee dhanka nolosha

Duqeymo ay fuliyeen ciidanka Israa'iil ayaa lala beegsaday xarun ama goob gabbaad ah oo ku taal magaalada Gaza iyo xero…

Caalamka
June 26, 2024

Agaasime Xayir “Qof kasta oo ka tirsan Wasaaradda waa in ay ka qeyb qaadato dagaalka Khawaarijta”

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dakxiiska Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta ay qeyb…

GudahaWararka
August 27, 2023

Dowladda Soomaaliya Iyo Saaxiibbada Caalamka oo Shir muhiim ah Ka Yeeshay Arrimaha Dalka

Muqdisho.(SONNA)...Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayreย iyo masโ€™uuliyiin ka socota midawga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Turkiga,…

Wararka
April 30, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023