Inkastoo hadda la gudagalayo xilliga Xagaagga oo ay kacaan dabeylaha Maansoorka eeย dhinaca Xeebaha ah, islamarkaana la galayo Bad-xiranka oo ka bilaabanaya dhammaadka bisha juun ilaa bartamaha bisha Septamber oo looga digo Kalluumeysatada iyo Doomaha inay xilligaasi maraan Badda, taasi oo khatar ku ah, ayaa haddana waxaa la soo sheegayaa inay ku lammaanan tahay Dabeyl kale oo la magac baxday Duufaanta Laly oo ku soconeysa Xawaare aad iyo aad u dheereeysa.
Qoraal ay soo saartay Heyโadda Maareynta Musiibooyinka ayeey uga digtay Shacbiga Soomaaliyeed ee ku Degaanada Xeebaha in Duufaanta Laly oo xawligeeda ku socota 75-100km/saacaddii ay ku soo wajahan tahay xeebaha Dalka, taasoo laga cabsi qabo iney dhibaato ka dhashaanโฆ
Qoraalka ayaa looga digay Shacbiga Doomaha Ganacsiga iyo Kaluumeysatada Soomaaliyeed ee ku nool Xeebaha Gobolada Benaadir, Shabeelada Hoose iyo Jubada hoose iney taxadir dheeraad ah muujiyaan, iyadoo Duufaantani ay xowli ku socoto, waxaana laga csbsi qabaa waxeyna Heyโaddu sheegtay iney geysato burbur hantiyeed.
Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka digtay Dufaaanno culus oo loogu magac daray ๐๐ฎ๐น๐. Duufaantan ayaa la sheegay in ay kusoo wajahan tahay magaaloyinka Xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka , Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe, waxanay bulshada uga digtay in ay taxaddaraan.
Laga soo bilaabo Usbuukii la soo dhaafay waxaa bilowday curashada dabeysha Laly โTorobikaalkaโ duufaantan ayaa ku bilabatay Xawaare hooseeya, iyadoo marba mark aka dambeysa soo xoogeysaneysay intii u dhaxeysay 16-kii ilaa iyo 19-kii bishan May, waxaynba ku soo socotay xawaare aad u sarreeya oo u dhaxeeya 75 ilaa 100 KM saacaddiiba, iyada oo jihooyin kala duwan u leexleexaneysa.
Duufaantan ayaa loo yaqaanaa {Trobical Cyclone}, waxayna ka imaaneysaa Jihada Koonfureed ee Badweynta Hindiya ee Xeebaha magaalooyinka dhaca Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Banaadir. Duufaantan ayaa marba marka dambeysa sii xoogeysaneysa, waxaana hadda lagu soo waramayaa in ay kor u dhafeysa xawaraheeda 90 ilaa 110 KM saacaddiiba ayaa ku wajahan koonfurta Dalka Soomaaliya, waxayna ku socotaa dhinaca Xeebaha magaalooyinka ku yaal, kuwaasi oo kala ah Badhaadhe, Kisdmaayo, Jammaame, Baaraawe, Marka iuyo Muqdisho.
Sidoo kale waxaa laga yaaaba inay saameyso deegaanno kale oo Xeebaha ka baxsan. Cabsida ayaa ah inay Duufaantani sababi karto burbur Hantiyadeed sida inay dumiso Guryo deegaannada dhaca iyo Doomaha Kalluumeysiga iyo kuwa Ganacsiga ee dhex goosha Marin-biyoodkaasi, sidaasi darteed, waxay Heyadda Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay bulshooyinka ku nool deegaannadaasi aan soo xusnay ugu baaqday โ in ay ka taxadaraan khatarta ka dhaslan karta Duufaantaasi.
Bayaanka ay soo saartay Heyadda Maareynta Musiibooyinka ku tiri:- โ Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah ugu digeysa dhammaan bulshooyinka kala duwan sida:- Kalluumeysatada, iyo Dadka ku dhaqan hareeraha Xeebaha inay ka digtoonaadaan khatarta ku soo wajahan dhulka Xeebaha, waxayna ugu baaqeysaa maamulaada deegaannadaasi inay u diyaargaroobaan xaaladdaan soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan Xeebaha iyo deegaanadaasiโ.
Heyโaddu waxay si gaar ah walaac uga muujisay Degaannada Xeebaha, halkaas oo ah meelaha ugu nugul oo ay dufaantu khasaaraha ugu weyn ka geysan karto, waxayna u sheegtay inay badda ka saaraan qalabka kalluumaysiga, kana fogaadaan Aagga xeebaha.
Dhinaca kale Webiga Shabeelle ayaa dhawaan ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Bari ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib Roobab xooggan oo saacadihii la soo dhaafay halkaas ka daโay, iyadoo Shacabkii degganaa xaafadaha uu Webiga ku fatahay ayaa ka baracakay, waxayna naftu bidday inay deegaansadaan dhulka taagga ah ee ka fog goobaha fatahaadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo Roobab wato dabeylo iyo daadad.
War farxad leh ayaa ah in ๐๐๐ง๐ข๐ ๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐ uu ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐๐๐ช๐๐ฒ $๐๐-๐๐ข๐ฅ๐ฒ๐๐ง ๐จ๐จ ๐๐จ๐ฅ๐ฅ๐๐ซ, lagactaas ๐จ๐จ ๐ฐ๐๐ฑ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ ๐ช๐๐๐๐ง๐๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐๐๐๐ฒ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฌ๐๐๐e๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ฆ๐ขl๐ฅ๐๐๐.
Munaasibad kooban oo lagu saxiixay Heshiiska Bangiga iyo Dowladda Soomaaliyaย ayaa lagu qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ka soconayo shirka Sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika, kaasi oo ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐๐๐ช๐๐ฒ $๐๐-๐๐ข๐ฅ๐ฒ๐๐ง ๐จ๐จ ๐๐จ๐ฅ๐ฅ๐๐ซ, lagactaas ๐จ๐จ ๐ฐ๐๐ฑ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ ๐ช๐๐๐๐ง๐๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐๐๐๐ฒ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฌ๐๐๐e๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ฆ๐ขl๐ฅ๐๐๐.
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika Marwo Dr. Beth Dunford ayaa wadajir u saxiixay heshiiskaan maaliyadeed oo aad muhiimka ugu ah Dowladda Soomaaliya xiligaan la taagan yahay, maadaama dunida uu saameyn ku yeeshay Isbadalka Cimilada, iyadooย Munaasabadda Saxiixa kadib, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa madashaasi ka jeediyay khudbad kooban oo uu kaga hadlay faaโiidada uu Soomaaliya u lee yahay Mashruucaan iyo guud ahaan Wada shaqaynta Bangiga.
Bangiga Horumarinta Afrika waxa uu aad u xoojiyay wada shaqeynta iyo taageerada Dowladda Soomaaliya, tan iyo markii si rasmi ah loogu guuleystay dib-u-habeynta Maaliyadda iyo hannaanka daah furnaanta dhaqaalaha dalka.