Muqdisho.(SONNA):- Shaqaalaha safaaradda Mareykanka iyo qoysaskooda ayay ciidamada Mareykanku ka daad-gureeyeen caasimadda Suudaan ee Khartuum, halkaas oo ay dagaallo ka socdaan, sida uu sheegay madaxweyne Joe Biden.
Dagaallada u dhaxeeyo ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF oo galay todobaadkii labaad ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, halka kumanaan kale ay ku dhaawacmeen.
” iyagoo fulinanaya Amarkayga, millatariga Maraykanku waxay sameeyeen hawlgal ay Khartuum kaga soo saareen shaqaalaha Dawladda Maraykanka,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray.
Saacado ka hor, kooxda dagaalka kula jira ciidanka Suudaan ee RSF waxa ay ku dhawaaqday in ay howlgalka militariga Mareykanka oo ka kooban lix diyaaradood kala shaqeysay sidii Suudaan looga daad-gureyn lahaa ย diblamaasiyiinta Mareykan ah iyo qoysaskooda,kuwaas oo laga baqay in ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeeshaan isku dhacyada ka socda dalkaas.
Colaadda ayaa gashay todobaadkii labaad inkastoo labada dhinac -ciidamada iyo kuwa RSF- ay ku heshiiyeen xabbad joojin saddex maalmood ah oo lagu xusayo ciidaha Muslimiinta ee Ciidul Fidriga, laga bilaabo Jimcaha.
Shaqaalaha safaaradda Mareykanka ayaa loo qaaday goob aan la shaacin oo ku taal Itoobiya, sida ay wakaaladda wararka ee AP u sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo wax badan kala socda howlgalka daad-gureynta, waxaana ilaa iyo hadda la rumeysan yahay tirada laga saaray Suudaan in ay gaarayaan ย ilaa 70 qof oo Mareynkan ah.
In ka badan 150 qof oo ka kala socday dalal kala duwan ayaa Sabtidii gaaray Sacuudiga, markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqay in dad rayid ah laga daadgureynayo Suudaan.
<iframe width=”560″ height=”315″ src=”https://www.youtube.com/embed/YTKyxjsY4ow” title=”YouTube video player” frameborder=”0″ allow=”accelerometer; autoplay; clipboard-write; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture; web-share” allowfullscreen></iframe>