Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dhaqaalaha Khawaarijtu waa sii Bur-Burayaa (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dhaqaalaha Khawaarijtu waa sii Bur-Burayaa (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Dhaqaalaha Khawaarijtu waa sii Bur-Burayaa (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 1, 2023
9 Min Read
Share

Dhaqaalaha Kooxda Argagagxisada ah ee Al-shabaab ayaa ka caawiya sii wadidda fulinta howlgalladooda guracan iyo maalgalinta weerarada Argagaxinimo ee lagu dilay kumunaan Rayid ah oo waxba galabsan iyo Ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa deriska ah, waxayna Khwaarijtu ku maalgaliyaan habab kala duwan howlahooda Argagixisinimo, sida Laaluush, Baad, Xawaaladaha , Afduubka iyo lacag dhaqidda, balse waxay sameeyaan ilo dhaqaale oo iyaga u gaar ah, sida ay tilmaameyso Waaxda Caddaaladda ee Wadanka Maraykanka, waxaana ka mid ah Baadda Dadka waayeelka ah, Ganacsatada iyo Beeraleyda, ka faaideysiga ganacsiga Baabuurta, Xawaaladaha Moobeylada iyo xad gudubyada lagu sameeyo Xoolo dhaqatada.

Khawaarijtu waxay sidoo kale sifo sharci darro ah dakhli uga helaan qodidda Macdanta, ka ganacsiga dhuxusha, Daroogada ( oo ay ka iibiyaan kooxaha Dambiilayaasha ah), Foolka Maroodiga, Xoolaha iyo Sonkorta, kooxdu waxaa kaloo ay canshuuro ku soo rogaan Dadka, Shirkadaha, Burcad-badeedda, waxaya lacago ka qaadaan wax soosaarka Beeraha iyo Dhulka,marka waa dambi in si ula kac ah loo bixiyo ama la isku dayo in la taagero maaddi ahaan ama Agab ahaan in la siiyo Kooxda Khawaarijta ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar walba soo saarta Awaamiir ku aadan in aan wax dhaqaale ah loo fidin Karin Kooxda Argagixisada ah nooc kasta oo ay ahaadaamba, sidaasi awgeed ayaa dhawaan War ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka lagu sheegay in loo soo gudbiyay Kiisas la xariira Lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada, islamarkaana uu qaadayo tallaabada uga aadan baarista iyo dacwo oogista shaqsiyaadka la tuhunsan yahay, kiisaskaasi  ayaa waxaa  Xafiiska u soo gudbiyeen Xaruunta Warbixinnada Maaliyadda JFS.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, isagoo gudanaya waajibaadka shaqo ee ka soo saaray baaris iyo oogis dambiyada, waxa uu tallaabada ku habboon ka qaadanayaa Kiisaska soo gaaray iyo shaqsiyaadka la tuhunsan yahay, wuxuuna ugu dambeyntii  Xafiisku uu bulshada uga digaayaa dhammaan falalka lidka ku ah sharciga, wuxuuna ugu baaqayaa in la dhowro xeerarka iyo shuruucda Dalka u degan”, ayaa lagu soo gabagabeeyay Warkaasi.

Tallaabadaani uu qaaday Xafiiska Xeer Ilaalintu ayaa waxa ay ku soo aadeysaa kadib markii la meelmariyay sharciyo badan oo ku aadan Argagixisada, kuwaasi oo lagula dagaalamayo, maadaama ay dhaqaale badan ka sameeyeen lacagaha Baadda ah, Dhuxusha, Macdanta, Daroogada, iwm, waxaa kaloo jira qaab kale oo ay dhaqaale ka sameeyaan, taasina waxaa la yiraa “lacag dhaqidda”.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay War Saxaafadeed ku aadan ku si giijinta cuneqabateynta dhaqaale ee Kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta, waxayna ku bilowday “Dagaalka ay iclaamisay Dawladda  Federaalka Soomaaliya bartamihii sannadkii la soo dhaafey, ayaa waxaa uu ka koobnaa saddex weji oo loogu talagaley in dalka looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta. Mid ka mid ah Seddexda Aag ee dowladdu ay ka beegsanayso Khawaarijtu, waa dhaqaalaha, kaasoo ah isha ugu wayn ee Khawaarijtu u isticmaasho socodsiinta dembiyada ay ka galayaan Qaranka Soomaaliyeed, deriska iyo dunida inteeda kale”.

“Maanta, waxa ay mar kale dowladdu la wadaageysaa shacabka Soomaaliyeed halka uu marayo dagaalka dhaqaale ee ay kula jirtay Khawaarijta tan iyo markii uu Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ku dhawaaqay dagaalkaan bartamihii sannadkii hore. Ka dib dagaal adag oo dowladdu ay Khawaarijta uga qaaaday dhammaan Ilihii uu dhaqaaluhu uga soo xaroon jiray, waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqno maanta in aan joojinay kala bar dhaqaalihii ay heli jireen Khawaarijtu. Sidoo kalena hawlgab laga dhigay nidaamkii maaliyadeed ee Khawaarijta ee isku xirnaa ka dib markii ay dowladdu qaadday tallaabooyinkaan:” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Tallaabooyinka ayaa waxaa ka mid ah. 1-Waxaa la joojiyay hanaankii Khawaarijtu ay lacagaha ku dhex marsiin jirtay nidaamka maaliyadeed ee dalka, sida bangiyada iyo xawaaladaha.

2-  Waxaa la xayiray xisaabaadkii bangiyada iyo teleefonadii Khawaarijtu ku uruursan jirtay dhaqaalaha kuwaas oo lagu xanibay malaayiin dollar.

3-Waxaa la joojiyay baaddi Khawaarijta ee badeecadaha ka soo dega dekadaha iyo garoomada diyaaradaha.

4- Waxaa la joojiyay nidaamkii ay Khawaarijtu ku baadi jirtay dadka wax kala iibsada iyo awooddii ay u lahaayeen in ay helaan xogta wax kala iibsiga.

5- Waxaa la burburiyay goobihii ku hareeraysnaa magaalada Muqdisho ee ay ku qaadan jireen lacagaha baadda ah.

6- Waxaa Khawaarijta laga qabsaday magaalooyinkii ugu waawaynaa ee ay u isticmaali jireen uruurinta xoolaha ay ka dhacaan dadka, sida Masaajid Cali Guduud, Xarardheere, Moqokori, Aadan Yabaal iyo kuwo kale oo u ahaa ilo dhaqaale.

7- Waxaa la qaarajiyay 20 ka mid ah horjoogayaasha qaabilsanaa uruurinta dhaqaalaha baadda ah ee Khawaarijta, waxaa sidoo kale cadaaladda la marsiiyay in ka badan 50 ka tirsan maleeshiyaadka sida gaarka ah ilaalada uga ahaa baadda Khawaarijtu ka qaataan shacabka Soomaaliyeed iyo 15 Gaari oo ah kuwa ay ku uruurin jireen baadda oo iyana gacanta lagu dhigay, qaarkoodna la burburiyay.

Waxaana War saxaafadeed lagu tilmaamay in Natiijada ka dhalatay tilaabooyinka kor xusan, ay yihhin in  inka badan 50 % hoos u dhacay dakhliga Khawaarijtu, islamarkaana uu si guud u kala daatay nidaamkoodii maaliyadeed oo keentay in iyaga dhexdoodu ay kala xadaan intii u soo hartay, iyo ugu danbayn in dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ay Khawaarijtu bixin wayso lacagihii ay siin jirtay maleeshiyaadkooda iyo kharashaadkii guud ee dhaqdhaqaaqooda oo gaabis wayn uu ku yimid.

“Inkasta oo ay jiraan guulahaan, hadana dowladdu waxa ay la socotaa in ay wali jiraan qaabab ay Khawaarijtu ku baadayso muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo shakhsiyaad weli ku lug leh kala gudbin iyo uruurin baadda Khawaarijta kuwaas oo lagu raad joogo”, ugu dambeynta waxay  Dowladda Soomaaliyeed, la wadaagaysaa shacabka Soomaaliyeed in dagaalka dhaqaale ee ay kula jirto Khawaarijta lana sii labanlaabayo ilaa la xaqiijiyo in aanay Khawaarijtu hal shilin ka helin dalka Soomaaliya, ayna dowladdu ku raad-joogto goobaha iyo ilaha ay Khawaarijtu wali ka hesho ama ku keydsato Dhaqaalaha kuwaasoo ah gudaha iyo dibadda intaba.

“Waxaan mar kale waydiisanaynaa shacabkeenna sharafta leh in ay ka feejignaadaan nooc kasta oo la macaamil dhaqaale ah ee lala yeesho Khawaarijta, waana in ay ogaadaan in kor loo qaaday heerka dabagalka ilaha dhaqaale ee Khawaarijta”.ayay Dowladdu tiri.

Waxaa kaloo jira in Ciidanka Booliska Maamul-goboleedka Puntland gaar ahaan kan Gobolka Bari uu gacanta ku soo dhigay gaari waday lacago Euro madow ah iyo shaqsigii waday, kadib Hawl-galo ay sameeyn Ciidanka Booliska ayna ku soo qabteen gaariga iyo lacago madow been-abuur ah,waxaana la sheegay in Gaarigu uu ka yimid magaalada Xaafuun ee Gobolka Bar,i isaga oo la qabtay xilli uu soo galayay magaalada Boosaaso.

Dowladda Soomaaliya, waxa ay si wayn ugu mahadcelinaysaa ganacsatada Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan in loo hoggansamo nidaamka hufnaanta maaliyadeed iyo ka feejignaanta dhaqaale ee Khawaarijta, waxaan sidoo kale shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinaynaa doorkeeda, si gaar ah waxaa bogaadin iyo hambalyo u mudan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gacanta ka gaystay guulaha laga gaaray dagaalka dhaqaale ee lagu la jiro Khawaarijta, sidaasi awgeed waa muuqataa in nidaamkii maaliyadeed ama dhaqaale inuu dhulka sii galayooo ay ku tiirsaneyd Khawaarijtu, marka sooma dhihi karno dhaqaalaha Kooxda Khawaarijta ah waa uu sii bu-burayaa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Galgaduud(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ansixiyay qaraarka buuxinta Kuraasta bannaan

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 16-aad ee Guddiga Joogtada ah ee…

GudahaWararka
March 26, 2024

Guddoomiyaha G/Banaadir oo deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada…

GudahaWararka
June 10, 2025

Madaxweyne lafta-gareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Diinsoor

Diinsoor(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ay wehelinayaan Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiirka Qorshaynta iyo Mas'uuliyiin…

GudahaWararka
October 28, 2023

Ciidanka xoogga dalka oo gacanta kusoo dhigay xubno la shaqeeya khawaarijta

Jowhar-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo baaxad leh ka fuliyay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelleda dhexe, iyagoo gacanta ku dhigay rag…

GudahaWararka
June 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023