Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka soKoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka midyihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?, si wajaabta ku haboon loogu helo waxaa qormadaan si kooban ugu soo qaadan doonaa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:-
1. SOOYAALKA DASAATIIRTA IYO AXDIYADA SOOMAALIYA
Dastuurkii 1960:- sanadkii 1957 waxaa si rasmi ah u soo bilaawday diyaarinta Dastuurkii ugu horeeyay oo ay Somaliya yeelato, Maadaama heshiiskii loogu igmaday 27 Desember 1950 in Dowaladda Talyaaniga ay maamusho gobolada koofureed dowladda ingiriiskana ismaamusho gobolada waqooyi uu timaamayay mabaadii’da dastuur lagu qeexayo xuquuqda dadka dhulka Soomaaliyeed, iyadoo heshiiskaasi la waafaqayo waxaa Degreeto Lr.140 ee 6 September 1957-kii lagu magacaabay labo guddi oo kala ah Guddi siyaasadeed iyo Guddi farsamo oo soo diyaariya Dastuurka Soomaaliya. 1958-kii Gudigii farsamada ayaa soo gudbiyay Dastuur qabyo qoraal ah oo ka kooban 141 Qodob iyo faalo 316 bog ah.
Sandkii 1960-kii ayaa xeer lr 6 ee 8 janayo 1960-kii awood loogu siiyay Golihii Sharci dejinta in ay la wareegaan howsha sameeynta Dastuurka, kulankoodii ugu horeeyay ee 17ka maarso 1960-kii waxa ay ku magacaabeen gudi siyaasadeed soo darso qabyo qoraalka Dastuurka. Gudiga waxa bilaabay 29 marso 1960 waxa uu gudigaasi yeeshay 42 (afartan iyo laba) fadhi, waxa uuna howshiisa soo dhameeyay 9kii maajo 1960, waxa ay Baarlamaanka u soo gudbiyeen Qabyo Qaraal dastuur oo ka kooban 104 qodob, Baarlamaankana waxa uu ansixiyay 21 juun 1960. Waxaa Dastuurka Afti dadweyne oo ay HAA ugu codeeyeen 90% dadka codeeyay lagu meel mariyay 20ka juun 1961.
DHAMEYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA (1)
Dastuurkii 1979:- 16 October 1969 kadib geeridii Madaxweeynihii labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Abdirashiid Ali Shar ma’arke waxaa 21dii Kcktoober 1969-kii talada dalka la wareegay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida (CQS) waxa ayna ay soo saareen isla 21 October 1969-kii Xaashidii 1aad oo lagu laalay Dastuurkii dalka, awoodii sharci dejinta, awoodii garsoorka laguna qeexay siyaasadda gudaha iyo midda dibadda.
1977 ayaa la soo saaray Xeer Madaxweyne ee Lambarkiisu yahay 90/91 ee 20kii Oktober 1977-kii xeerkaas waxaa lagu magacaabay guddi soo diyaariyo Dastuurka ay Soomaaliya yeelaneeyso, guddigaas waxa uu soo gudbiyay qabyo-qoraal dastuur ka kooban 114 Qodob, Dastuurkaasi waxyaabaha uu qeexayay waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya ku dhaqanto hanaanka hantiwadaagga, iyo in ay yeelato hal xisbi, Madaxweeynahana uu noqdo madaxa Dowladda iyo madaxa fulinta oo ay baarlamaanka dooranayaan waxaana lagu ogolaaday Sharci Lr.16 ee soo baxay 20kii May 1979.
Xeerka Madaxweynaha ee Lr.23 ee soo baxay 16kii Juun 1979-kii waxaa lagu ogolaaday aftida Dastuurka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya. Waxaana afti loo qaaday 25tii Agust 1979-kii, Waxaa aftidaas Haa ku codeeyay (99.8%) dadka codkooda dhiibtay.
Sida ku cad sharci lr 40 ee 23/12/1984 waxaa lagu sameeyay wax ka bedelkiisi ugu horeeyay sidoo kale sida ku cad sharci lr 14 maarso 1989 waxaa lagu sameeyay wax ka bedel qodobo ka mid ah Dastuurka.
Dastuurka 1990:- Dhamaadkii 1989 iyada oo lagu guda jiro wax a ka badedlka dastuurka markii ay soo baxeen duruufo gaar ah waxaa la go’aamiyay in golaha shacabka xilka sii haayo, soona diyaarsho Dastuurka lagu bedelayo dastuurkii 1979kii maadaama dastuurkaasi uu ogolaanayay in dalka ka jiro hal xisbi oo kaliya si nidaamkana loogu celiyo nidaam dowladeed rayid ah.
Gudigaasi oo doodahooda qaar si toos ah looga tabinayay Raadiyaha Dowladda, waxa ay soo gudbiyeen qabyo qoraal dastuur ka kooban 119 Qodob, iyada oo markii hore qodob qodob baarlamaanka loo horkeenay, waxa baarlamaanka si guud u anisixyay 14 october 1990, waxaa lagu soo saaray faafinta rasmiga ee dalka ha yeeshee inta aanan afti dadweeyne la gelin waxaa dalka la wareegay Jabhadihii.
Axdiga 2000:- 26-dii Juun 2000 Ergadii Shirkii Carta waxa ay ansixiyeen Axdiga KMG ee Dowladdii KMG ah ee (TNG) oo ka koobanaa 38 Qodob. Axdigan wuxuu dhisay nidaam Dowlad KMG dimuquraadi ah isla markaana leh ismaamul goboleed.
Axdigii 2004:- Shir dib u heshiisiin ah oo ka bilowday dabayaaqadii 2002 dalka Kenya. Geeddi Socodkaas waxaa lagu gaaray ansixintii Axdiga Federaalka ah iyo Dawladda
Federaalka KMG ah ee (TFG). Axdiga KMG ah waxa uu ka koobnaa 71 Qodob waxa uuna dhisayay nidaam dowladeed federal ah, wuxuu farayey sameynta Guddi 15 xubnood ah oo ay howshiisu noqoneyso in uu dastuur federaal ah ku qoro labo sano iyo bar.
DHAMEYSTIRA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA (2)
Dastuurka KMG 2012:- Axdiga KMG 2004 Qodobkiisa 68-aad waxa uu waa jibinayay in dastuur federal ah lagu dejiyo muddo laba sano iyo bar ah, laga bilaabo dhisidda Guddiga Madaxbanaan ee Dastuurka Federaalka,waxaa sharci lr RS-OP/3951-06 isla markaana Baarlamaanka Federaalka KMG ku ansixiyay go’aan sum TFP/1/193/06 lagu dhisay juun 2006-kii Gudi ka kooban 15xubnood, oo raacaya sharci lr TPF/1/193/06 oo tilmaamaya habka loo diyaarinayo Qabya Qoraalka Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyadoo laga ambaqaadayo Heshiiskii Jabuuti ee 2009kii, tirada Guddiga waxaa lagu kordhiyay 15 xubnood waxaana la gaarsiiyay 30 xubnood, xubnaha lagu kordhiyay waxay matalayeen garabka xukuumadda wadaagga ku soo kordhay. Waxa uu gudiga howshiisii ugu horeeysay bilaabay bishii Maarso
2010-kii, Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka Federaalka waxa uu soo saaray 30-kii Luuliyo 2010-kii Qabyo-qoraalka dastuurka ee latashiga dadweynaha oo ka koobnaa 179 qodob waxa uuna dhisayay nidaam dowladeed oo u qeybsan Dowladaha Hoose, Dowlad Goboleed iyo Dowlad Federaal ah. Sannadkii 2011-kii, guddi cusub oo khubaro ah ayaa la sameeyay si ay u caawiyaan, dastuurkana ula dhameystiraan guddiga madaxa bannaan ee dastuurka.
Labadii guddi ee dastuurka waxa ay qabyo qoraal iswaafajinaya aragtiyada kala duwan, u soo bandhigeen bishii Abriil 2012-kii lixda saxiixayaal ee hannaanka (Roadmap-ka) iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Kulan looga hadlayay Dastuurka ayay saxiixayaashii ku qabsadeen Addis Ababa waxayna saxiixeyaashii ku dhawaaqeen in ay isku afgarteen arrimihii ay isku maan-dhaafsanaayeen ee Dastuurka. 23dii Juun 2012 inta aan heshiiska lagu kala saxiixan Kenya ayay Dowladdii KMG aheyd wareegto ku kala diray Guddigii Madaxabannaanaa ee Dastuurka iyo Guddigii Khubarada ahaa. Bishii Juun 2012 saxiixayaashii ayaa Nairobi ku ansixiyay Dastuurka KMG iyo afar habraac oo uu ku jiro habraaca samaynta gole matalo qaranka isla markaana ansixiyo Dastuurka.
Guddigii Farsamada ee Fududeynta ayaa u gudbiyay nuqul daabacan oo Dastuurka KMG ah Golahii Metelaadda Qaranka bishii Julaay 2012. Golaha oo ka koobnaa 825 ergo waxa ay u codeeyeen dastuurka iyaga oo aan waxba ka beddelin. 1-dii Agoosto 2012-kii, Golaha Metelaadda Qaran ayaa ansixiyay Dastuurka KMG ah.
2.DHIBAA-TOOYINKA SHARCI AMA BULSHO EE KUMEEL GAARNIMADA DASTUURKA.
Dastuurrada kumeel-gaarka ah waxay sababi karaan dhibaatooyin bulsho iyo kuwo sharci oo kala duwan, sababtoo ah dabeecadadiisa aan joogtada ahayn:- Hubsiimo la’aan: Dastuur ku-meel-gaar ah malaha xasillooni taasoo abuuraysa hubinti la’aan ka dhex jirta muwaadiniinta, sharci-dejiyeyaasha iyo hay’adaha ee ku aaddan qaab-dhismeedka sharci ee mustaqbalka, hubinti la’aanta ayaa caqabad ku noqon karta dowlad-wanaagga iyo xasilloonida.
Mugdi:- Dastuurrada kumeel-gaarka ah ma ahan dastuur si cad u qeexa awoodaha maamul iyo ilaalinta xuquuqda, taasoo keenta mad-madow iyo isku dhacyo xagga fasiraadda ah.
Xuquuqaha iyo Xuriyaadka:- Dastuurka ku meel gaarka ah inta badan si waafi ah uma ilaaliyo xuquuqaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah, taasoo ka dhigaysa muwaadiniinta inay u nuglaadaan xad-gudubyada suurta galka ah ee dawladda ama hay’adaha kale.
Mabaadi’da Sarreynta Sharciga:- Dastuurrada ku meel gaarka ahi waxa ay wiiqi karaan mabda’a sarreynta sharciga, waayo wuxuu horseedaa ku dhaqan la’aanta sharciga iyo fasiraadda xeerarka oo si marin habaabsan oo aan waafaqsanayn loo fahmo.
Horumarka Bulshada:- Dastuurada KMG wuxuu caqabad ku noqon karaa horumarka bulshada, sababtoo ah waxaan cadeyn horumarinta, xasilloonida iyo siyaasadda hay’adaha.
3.ISKA HOR IMAADYADA DASTUURKA DHEXDIISA AH
Dastuurka ku meel gaarka ah waxa uu dhaliyay xiisad u dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ee ku aadan saami qeybsiga kheyraadka dalka iyo khilaafyo ka dhashay kala xadeynta awoodaha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, taasoo keentay in la isku khilaafo arrimo ay ka mid yihiin: qeybsiga kheyraadka iyo ismaamulka. Khilaafyadan waxey sababeen inuu xumaado xiriirka ka dhexeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, taa ayaa noqotay arrin muran badan dhalisay, inta badana horseedda khilaaf iyo wada xaajood dhexmara dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, Gobolo kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya ayaa doonaya in ay helaan madax banaani iyo in ay maamulaan arrimahooda si aan cadayn, taas oo keentay in la
isku khilaafo xuduudaha iyo awoodaha dowlad goboleedyada. Khilaafyadan ayaa mararka qaar ka dhashaan xiisado siyaasadeed, ismaandhaaf ku saabsan matalaada, iyo isku dhacyo mararka qaar dhex mara qeybaha kala duwan ee gobolka, arinkaasi waxa uu salka ku hayaa iska hormaadka Dastuurka dhaxdiisa.
4.HANAANKA DHAMAYSTIKA IYO KA SAARIDDA KU MEEL GAARNIMADA DASTUURKA.
Si dastuur looga saaro ku meel-gaarnimada waxaa lagama maarmaan ah habraac sharci oo cad, guud ahaan wadamadu wey ku kala duwan yahiin habraacyada wax-ka-bedelista dastuurka, balse waxay ku xusaan dastuurka dhexdiisa nidaamka dastuurka wax looga badali karo loona dhamaystiri karo Dastuurkeena ku meel gaar ka ah ee la ansaxiyay 1dii Agusto 2012, waxaa uu qeexay habraaca wax ka badelista ee dastuurka sida ku cad Cutubka 15-aad madaxiisa 1-aad.
Qodobada ku dabaqma wax ka beddelka Dastuurka:-
- Ka doodista wax ka bedelka iyo ansixinta Dastuurka waxaa awood sharci u leh Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya.
- Gudiga Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo gudanaya waajibaadka qaanuuni ee ku xusan Qodobka 133 iyo 134 ee Dastuurka KMG, isla markaana kaashanayo Gudiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa warbixinta dib u eegista Dastuurka oo ay ku lifaaqantahay soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka isla markaana diiradda lagu saarayo ujeedooyinka iyo hadafka la hiigsanayo iyadoo ay sugantahay waafaqsanaanta Dastuurka soo jeedimaha wax ka bedelka, u gudbiyo gudoonka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka.
III. Gudiga oo ku shaqeeynaya Dastuurka iyo qaraarada xeerinaya habraaca loo marayo dib u eegista dastuurka ayaa baarlamaanka la wadaago kala saaris ku saabsan qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay si ay u cadaadaan qodobada farsamo iyo qodobada u baahnaa wada xaajoodka siyaasadeed.
- Xubnaha Baarlamaanka marka loo qeebiyo nuqulka soo jeedimaha wax ka bedelka oo hab qaanuuni ah loogu soo dhafay araktida xildhibaanada lana socoto faalooyin qodobada u baahan heshiis siyaasadeed waxa ay dood ka yeelan doonaan cutub kasta oo wax ka bedel lagu sameeyay ama qodobada u baahan in si gaara loo dul istaago.
- Baarlamaanka Federaalka waxaa uu aqbalayaa wax ka beddelka la soo jeediyay kaliya intii lagu ansixiyay cod kama danbaysa codkaas oo ay u qaadeen ugu yaraan sadex meelood laba meelood xubnaha ku jira aqalka Baarlamaanka Federaalka, balse waxaa muhiim ah nooca codaynta sida ay noqoneeyso qarsoodi ama gacan tag, Cutub, Qodob ama Qodobo in la cadeeyo, maadaama Dastuurka uu yahay sharciga ugu sareeyo dalka, waxa ay dadka qaar aaminsanyihiin in codaynta aysan noqon qarsoodi si xildhibaanka uu si toos ah ugu xaqiijiyo aragtidiisa dadka iyo deegaanada uu matalayo.
- Nuqulka Dastuurka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa loo dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qodobaka 85 ee Dastuurka, waxaana lagu soo saari doonaa Faafinta Rasmiga ah si uu u yeesho dhaqan gal ku meel gaar ah.
VII. Si dastuurka uu u helo dhaqan gal joogto ah waa in uu helaa afti ay ka qayb galayaan codbixiya-yaasha muwaadiniinta oo idil, si siman oo waafaqsan hanaanka codenytana u dhiibtaan codayn madax-banaan oo ay codbixiya-yaasha ku ogolaadaan Dastuurka isla markaana aftidaasi ay ansixiso Maxkamadda Dastuuriga.
5.FURSADAHA XILIGAN EE KU HABOONAANTA DhAMAYSTIRKA DASTUURKA
Dastuurka oo ah mid kii ugu waqtiga dheeraa ee dastuur KMG ah, isla markaana kharashkii ugu badnaa lagu baxshay si loo dhameestiro, marka dhanka kale laga fiiriyo waqtiga, kharashka iyo gudiyada isa soo bed-bedelay waxa ay abuureen fursad xiligan ka dhigayso in uu yahay xilga ugu haboon ee dastuurka lagu dhamays tiro karo.
Dadaaladii iyo Juhdigii Soo Jiray:- Laga soo bilaabo Baarlamaankii sagaalaad waxaa socday dadaalo iyo juhdi badan oo lagu bixiyay hanaanka dhamaystirka Dastuurka oo ay ka mid tahay samaynta sharciga dhamaystirka Dastuurka, samaynta Gudiga Madaxa banaan ee Dastuurka iyo Gudiga Baarlaanka ee la socodka Dastuurka, gudigaasi oo shaqo badan oo wax ter leh soo qabtay.
Aragtida Dadka:- inta badan shacabka Soomaaliyeed waxa ay xaqiiqsan yihiin si loo helo Xasilooni Siyaasadeed, Xasilooni amni, Xasilooni dhaqaale iyo Dowlad Dimuqraadi ah oo ku dhisan Saraynta Sharciga iyo dhowrista maslaxadda guud ee qaranka in aan sina looga maarmin in la helo Dastuur rasmi ah oo heshiis lagu yahay isla markaana ku yimaada rabitaanka dadka (Afti Dadwayne).
Hogaamiyeyaasha Siyaasadda:- waa suura gal in qaar kamid ah siyaasiinta ay si dadban u hor istaagaan hanaanka dhamaystirka Dastuurka, hayeeshee dhamaan siyaasiinta waxa ay isla qirsanyihiin in Dastuurka oo la dhamaystiro yahay tiirka ugu muhiimsan ee xasiloonida dowladnimada iyo in aysan jiri karin bulsho aan lahayn heshiis bulsho oo ay degsadeen, aaminsanaanta siyaasiiinta ee muhiimadda dhamaystirka Dastuurka waxaa si cad u qeexay qudbadaha musharaxiinta intabadan ka horjeediyaan matala yaasha shacabka (Baarlamaanka). Doorashooyinkii 2012, 2017 iyo 2021, inta badan musharaxiinta waxay qudbadahoooda ku soo qaateen in dhamaystirka Dastuurka yahay mid ka mid ah tiirarka ugu waa wayn oo ay wax ka qaban doonaan taasina waxa ay si cad kaga marag kacaysaa aamin-sanaantooda dhamaystirka dastuurka.
Habraaca dhamaystirka ee lagu qeexay isla Dastuurka:- waxa uu albaabada si dadban uga xirayaa dib u dhac kasta oo ku saabsan dhamaystirka dastuurka, maadaama habraaca hanaanka dhamaystirka ilaa aftida dadweeynaha uu yahay mid cad, hadii loo raaco sida loo qeexay waxaa yaraanayo doodaha sharci ee carqaladeyn karo horusocodka dhamaystirka dastuurka, sidoo kale furasadaha xiligaan waxaa sii xoojinayo in habraaca lagu ansixinayo dib u eegista dastuurka uu horyaalo baarlmaanka maray labadii aqris ee ugu horeeyay balse uu sugayo in lagu kabo soo jeedinta mudanayaasha Baarlamaanka, waxaase muhiim ah in isla habraacaasi lagu cadeeyo habka codaynta.
GABO GABO:-
Dowladan waaa dowladii sedexaad oo ay tahay in ay dhamatstirto Dastuurka, nasiib daro labadii dowladeed ee ka horeeyay in kasta oo ay qabteen shaqooyin muhiim u ah geedi socodka dhamaystirka dastuurka haddana kuma guuleeysan in dadka helaan dastuur ay iyagu doorteen, kala duwanaanta aragtiyada iyo in laga wada doodo qodobada qaar oo ay ka mid tahay nooca dawladnimo iyo tirada axsaabta rasmiga ah waa tiir ka mid ah dimuqraadiyadda una baahan wada xaajood siyaasadeed, balse dowladan si dadka ay ugu xaqiijiso hamiga ah in dadka xushaan nooca dowlad-nimo iyo sida ay rabaan in ay isku maamulaan waxa ay haystaa fursado ay ka mid yihiin shaqooyinkii labadii dowladeed ee ka horreeyay ka soo qabteen hanaanka dhamaystirka Dastuurka iyo wacyiga fahamka dowladimada ee bulshada oo xiligaan ah mid ka wanaagsan sidii uu ahaa 12 sano ka hor.
Si loo xaqiijiyo hiigsiyada dhow ee hurumarka waara isla markaana aan loo dayicin dadaalada lagu baxshay dib u soo kabashada dowlad dhiska Soomaaliya oo ay ka mid tahay dhameestirka dagaalka dalka looga sifeenayo kooxaha argagixisada, ku biirista Bulshada Bariga Afrika, Qaadista cunaqabateeynta hubka, iyo dayn cafinta xiligaan waa xiliga ugu haboon oo ay tahay in la sameeyo dib u eegista iyo dhamaystirka Dastuurka, labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo hogaanka Dowladda waxa ay heestaan fursad ay tahay in dadka soomaaliyeed looga faa’iideeyo si dadka u helaan dastuur rasmi ah oo ay leeyiihin.
F.G. Xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad in kasta oo ay tahay qeyb ka mida gudashada waajibaadka qaran ee saaran, hadana hadii ay ku guuleestaan dhamaystirka Dastuurka waxay noqon doonaan kuwa ku astaysan xaqiijinta dowladnimo lawada leeyahay heshiisna lagu yahay.